Cabdullaahi Xasan Yacquub — 336
22:31 31. Idinkoo u toosan Alle, oo aan la wadaajin cidna cibaadada. Qofkii Alle la wadaajiya cid kale cibaadada, wuxuu la mid yahay sida mid ka soo dhacay samada oo ay kala dafayaan shimbiruhu, ama sida mid ay ku tuurayso dabeyshu meel gun dheer oo fog.
22:32 32. Waa sidaase, qofkii weyneeya (sharciga iyo) calaamooyinka Alle [10], tani waa camal muujinaya Alle ka cabsiga quluubta.
22:33 33. Waxaa idiinku sugan (xoolaha loo bixiyey sadaqada - hadyiga) manaafacaad tan iyo muddo magacaaban ah [11], markaas waxaa loo keenaa gowrac Baytka da’da weyn [12].
22:34 34. Ummad walba waxaan u yeellay cibaado [13] 'ciid', si ay ugu xusaan Magaca Alle waxa uu siiyey ee xoolaha nicmooleyda ah. Ilaahiinnu waa Ilaah Keliya (Allaah) ee u hoggaansama oo u bishaaree kal samayaasha.
22:35 35. Ee ah kuwa marka la xuso Alle ay baqo ka buuxsanto quluubtoodu, kuna samra waxa ku dhaca (oo musiiba ah) ee ooga salaadda, waxa aan siinnayna wax ka bixiya.
22:36 36. Ishkinka (xoolaha waaweyn ee loo loogo hadyi ahaanta - lo'da iyo geela) waxaan idiinka yeelnay wax ka mid ah calaamooyinka (diinta) Alle, waxaa idiinku sugan khayr badan, ee ku xusa Magaca Alle korkeeda iyadoo jilib xidhan [14], markay u dhacdo dhinacna (waa idiin xalaal), ee wax ka cuna, oo wax ka quudiya miskiinka dhowrsoon iyo weydiistaha. Sidaasaan idiinku sakhirnay si aad ugu mahdisaan (Alle).
22:37 37. Ma gaadho Alle hilibkeedu iyo dhiiggeedu, waxase gaadha ee aqbalka ah Xaggiisa waa ka dhowrsoonidiinna (xumaha). Sidaasuu idiinku sakhiray si aad u weyneysaan Alle hanuunka uu idin hanuuniyey darteed. U bishaaree sama falayaasha.
22:38 38. Xaqiiq Alle wuu difaacaa addoomahiisa rumeysan. Xaqiiq, Alle ma jecla mid kastoo khiyaano badan, abaal dhac badan.