Cabdullaahi Xasan Yacquub — 335
22:24 24. Waxaa lagu hanuuniyaa hadalka kiisa wanaagsan, waxaana lagu hanuuniyaa Jidka la mahdiyo (waa Islaamka ee lagu galo Jannada).
22:25 25. Hubaal, kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle iyo Masjidka Xaramka oo aan ka yeelnay (wax u furan) oo ay u siman yihiin dadka oo dhan, kan deggan dhexdeeda [5] iyo soo booqdahaba. Qofkii u liicda xume fal uu ka sameeyo dhexdeeda xaq darro, Waxaan dhadhansiin cadaab xanuun badan.
22:26 26. (Xus, Nabi Muxammadow) markaan u cayinnay Ibraahiim halka Beytka (Kacbada), Annagoo leh: “Ha ila wadaajin (cibaadada) waxba, una daahiri Baytkayga (Kacbada) kuwa dawaafi iyo kuwa u istaagi inay ku tukadaan iyo kuwa rukuuca ee sujuuda.”
22:27 27. Ogeysiina dadka Xajka, waxay kuugu imaan lug iyo iyagoo fuushan rukuub kasta (oo munaasib ah), waxay ka imaan tub kasta oo fog.
22:28 28. Inay goob joogaan ka ahaadaan waxyaalo manaafacaad u leh darteed, oo ay ugu xusaan Magaca Alle maalmo la yaqaan [6] wuxuu siiyey oo xoolaha nicmooleyda ah, ee wax ka cuna, waxna ka siiya tabaaleysanaha, faqiirka.
22:29 29. Markaas ha dhammeeyaan basaastooda [7], hana oofiyeen nidarraooda, oo ha ku dawaafeen Baytka horreeyey (Kacbada).
22:30 30. Waa sidaase, qofkii weyneeya oo iska jira waxyaalahuu Alle caagay [8], isagay khayr u tahay Rabbigi agtiis. Waxaa la idiin xalaaleeyay xoolaha nicmooleyda ah, marka laga reebo (waxa la idinku dul) akhiryo 'oo laga soo reebay' [9] Ee ka fogaada waxa xun ee faddarada ah (caabudidda) sanamyada, kana fogaada hadalka beenta ah.