>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 334

22:16 16. Sidaasaan u soo dejinnay (Qur’aankan) isagoo xujooyin cad ah, Allena wuxuu hanuuniyaa cidduu doono.

22:17 17. Hubaal, kuwa 'xaqa' rumeeyey (Muslimiinta) iyo kuwa heysta Yuhuudiyada, Saabi’iinta, Nasaarada, Majuusta iyo Mushrikiinta, Alle baa kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha. Alle wax walba waa ka Markhaati oo Arkaa.

22:18 18. Miyaadan ogeyn inay Alle u sujuudaan (oo adeecaan) waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada: qorraxda, dayaxa, xiddigaha, buuraha, geedaha, nafleyda dhul ku socodka ah, iyo in badan (oo dadka) ka mid ah, in badanna cadaabku u waajibay [3]. Qofkii uu Alle dulleeyo, ma leh wax darajeyn. Hubaal Alle wuxuu Falaa wuxuu doono.

22:19 19. Kuwani [4] waa labo is-haya ee isku haya arrinka Rabbigood, kuwa gaaloobay waxaa loo goyn maryo Naar ah, waxaana lagu shubi madaxyadooda korkooda biyo kulul oo karaya .

22:20 20. Waxaa lagula dhalaaliyaa waxa ku jira uurarkoooda iyo haragga (jirkooda).

22:21 21. Waxay (gaaladu) ku mudan Naarta dubbayaal bir ah (oo lagu garaaco).

22:22 22. Mar kasta oo ay doonaan inay ka soo baxaan xaggeeda, murugada heysata darteed, dib baa loogu celiyaa (iyagoo lagu dhihi): “Dhadhamiya cadaabka gubashada leh."

22:23 23. Hubaal, Alle wuxuu gelin kuwa Xaqa rumeeyey oo samaha fala Jannooyin (beero) ay hoostoodu webiyo qul-qulaan, waxaa loo xidhi gudaheeda qurxin darteed jijimo dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xadhiidh.