Cabdullaahi Xasan Yacquub — 330
21:91 91. (Xus) tii xafidday jirkeeda (Maryam), oo aan ka afuufnay (jeebka canbuurkeeda ama maradeeda) Annagoo u xil saarnay (ku afuufidda ilmo uurkeeda) Ruuxayaga (Jabriil), Waxaana uga yeelnay iyada iyo wiilkeedii (Ciise) calaamo caalamka.
21:92 92. Hubaal, diintiinnani (Islaamka) waa diin mid ah [31], Oo Anigu 'Alle ah' waxaan ahay Rabbigiin, ee i caabuda 'Anigoo keliya'.
21:93 93. Waxayse u kala goosgoosteen diintoodii (kooxo) dhexdooda [32]. Xaggayagay dhammaan u soo wada noqon.
21:94 94. Ee qofkii fala camallo wanaagsan isagoo mu’min ah, lama duudsiyo ajarka camalkiisa. Oo hubaal Waan u qoreynaa.
21:95 95. Waxaa ka reebban magaalo aan halaagnay inay dib u soo noqoto [33].
21:96 96. Ilaa laga soo furo (moos xirkii) Yuug iyo Yamaayuug, waxayna ka soo dhaadhici taag walba si degdeg ah.
21:97 97. Markuu soo dhowaado Yabooha Xaqa ah (ee Qiyaamada la gaadho) mise indhaha kuwii gaaloobay way dhaygagi (iyagoo leh): Hoogeennee! Waxaan aheyn kuwo kaga sugan dhoohnaan waxakani; waxaanuna aheyn daalimiin (gar ma qaatayaal).
21:98 98. Hubaal, Idinka iyo waxaad caabud- daan Alle sokadi, waxaad ahaan shidaalka Naarta, xaggeedaad ku arooreysaan.
21:99 99. Hadday kuwakani ahaan lahaayeen ilaahyo ma ay galeen (Naarta), dhammaanna way ku waadhi.
21:100 100. Waxay ku leeyihiin gudaheeda cartan iyo hiinraag, oo waxna gudaheeda kuma maqlaan.
21:101 101. Hubaal, kuwa (Nabi Ciise, hooyadi Maryam, iyo addoomaha Alle ee kale ee wanaagsan) ay u hor martay xaggayaga wanaagga, kuwaasu xaggeeda (Naarta) waa laga fogeyn.