>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 328

21:73 73. Waxaanu ka yeelnay hoggaamiyeyaal ku hanuuniya (dadka) Amarkagaya, Waxaana u waxyoonnay falidda khayraadka, oogidda salaadda, iyo bixinta sakada, waxayna ahaayeen kuwo na caabuda (Alle Keliya caabuda).

21:74 74. Oo Luud Waxaanu siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana ka badbaadinnay magaaladii (Soodom) ee ahayd mid xumo [23] fasha. Waxay ahaayeen qolo xun oo fallaago ah.

21:75 75. Waxaana gelinnay Naxariistayada, wuxuu ka mid ahaa inta wanaagsan.

21:76 76. Oo Nuux waa badbaadinnay, markuu noo dhawaaqday kol hore [24]. Waana ka ajiibnay baryadii, oo ka samatabixinnay isaga iyo intii raacday musiibadii weyneyd (harqintii qoonkiisii).

21:77 77. Waana uga gargaarnay qolodii beeniyey Aayadahayaga, waxay ahaayeen qolo xun, mrkaasaan harqinnay dhammaan.

21:78 78. (Xus) Daawuud iyo Sulaymaan, markay ka garsooreen arrinkii beerta markuu daaqay (beerta) adhi dad leeyihiin (goor habeen ah), Waxaanu aheyn Kuwo garsoorkoodii u marag ah 'arka' [25].

21:79 79. Waxaanse fahansiinnay Sulaymaan, mid walbaana waxaan siinnay garsoor wanaagsan iyo cilmi, Waxaana u sakhirnay Daawuud buuraha iyo shimbiraha inay la tasbiixsadaan oo Alle amaanaan. Waana Annaga kuwa falay 'waxaasi oo idil' [26].

21:80 80. Waxaana barnay Daawuud sameynta jaakado bir ah aad labbisataan si ay idiinka dhowrto dhibaatada dagaalkiinna. Ee ma tihiin kuwo (Alle u) mahad naqaya?

21:81 81. (Waxaan u sakhirnay) Sulaymaan dabeysha sida xoogga leh u socota, ee ugu ordeysa si xowli ah amarkiisa xagga dhulkii aan barakaynay (ee Falastiin iyo Suuriya). Waxaana nahay kuwo wax walba Ogsoon.