>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 327

21:58 58. Markaasuu wuxuu ka dhigay digada (dhammaan) koodii u weynaa maahee, bal inay xaggiisa u noqdaan (oo ay weydiiyaan).

21:59 59. Waxay yidhaahdeen: “Yaa ku falay sidan ilaahyadayada?, Kaasi waa daalime?”

21:60 60. Waxay yidhaahdeen: Waxaan maqallay wiil hadal-haya oo la yidhaahdo Ibraahiim.”

21:61 61. Waxay yidhaahdeen: “Keena oo soo hor joojiya dadka si ay ugu arkaan indhahooda bal inay ku markahaati furaan [20]?.”

21:62 62. Waxay yidhaahdeen: “Ma adigaa kan si- daan ku falay ilaahyadayada, Ibraahiimow?

21:63 63. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Mayee waxaa falay (fale uun) kooda u weyn (sanamyada) waa kane, ee weydiiya hadday hadli karaan!

21:64 64. Markaasay dib isugu noqdeen oo ay yidhaahdeen: Xaqiiq idinkaa daalimiin ah.”

21:65 65. Markaasaa laga yeelay inay madaxa hoos u rogtaan [21] 'oo yidhaahdeen': Waad og tahay inayan kuwakani hadlin"!

21:66 66. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Ma waxaad caabudeysaan Alle sokadi waxaan waxba idin tari karin waxbana idin yeeli karin?

21:67 67. “Uf baad leedihiin idinka iyo waxaad caabudeysaanba Alle sokadi. Miyeydaan wax fahmeyn?”

21:68 68. Waxay yidhaahdeen: “Guba oo u gargaara ilaahyadiinna, haddaad (wax) falaysaan.”

21:69 69. Waxaanu nidhi: Dabkow! U noqo qabow iyo nabad Ibraahiim!”

21:70 70. Waxay la dooneen dhagar (dhib), waxaanse ka yeelnay kuwo khasaaray.

21:71 71. Waxaanu badbaadinnay isaga iyo Luudba (innagoo u wareejinnay xagga) arladii [22] aan u barakaynay dadka oo dhan.

21:72 72. Waxaan siinnay Isxaaq iyo Yacquub oo wiil wiilki ah, waxaan ka yeelnay dhammaan kuwo wanaagsan.