Cabdullaahi Xasan Yacquub — 326
21:45 45. Dheh waxaan uun idiinku digi Waxyiga (ka yimid Alle). Kuwase dhegaha li’i ma ay maqlaan dhawaaqa marka loo digi.
21:46 46.Hadduu taabto (kuwa xaqa beeniya) wax yar oo ka mid ah cadaabka Rabbigaa, waxay odhan: Hooggeennee! Waxaanu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).
21:47 47. Waxaanu dhigi miisaan caadil ah Maalinta Qiyaamaha, lagamana dulmiyo nafna waxba, haba ahaado wax le’eg iniinta sisinta [13] waanu keeni. Annagaana ku filan Xisaabiye ahaan.
21:48 48. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse iyo Haaruun Furqaanka [14], iyo iftiin iyo waano [15] ay leeyihiin kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarrada Alle).
21:49 49. Kuwa ka baqa Rabbigood sir 'iyo saaqba' [16], iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka cabsan.
21:50 50.Kanina (Qur'aanku) waa waano barakaysan aanu soo dejinnay, ee miyaad diideysaan oo ka jeesinaysaan [17]?
21:51 51. Waxaanu dhab ahaan siinnay goor hore Ibraahiim (saamigiisa) hanuunka [18], Waxaaanuna uga war qabnay si dhan.
21:52 52. Markuu ku yidhi aabbihii iyo qoladiisii: “Waa maxay sanamyadan aad idinku dul fadhidaan (ee aad caabudeysaan)?”
21:53 53. Waxay yidhaahdeen: “Waxaan hellay aabbayaashayo oo caabudaya.”
21:54 54. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “ Waxaad idinka iyo aabbayaashiinba ku sugan tihiin habow cad?.”
21:55 55. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid xaq, mise adigu waad nagu ciyaari?.”
21:56 56. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Mayee’ Rabbigiin waa Rabbiga samooyinka iyo arlada ee ah Kan abuuray, aniguna waxaan ka mid ahay kuwa arrinkani ka marag kaci.
21:57 57. Tallaahi, Waxaan u degi qorshe (tab) (si aan u baabbi’iyo) asnaamtiinna markaad jeedsataan idinkoo tegi [19].