Cabdullaahi Xasan Yacquub — 324
21:25 25. Ma aanu soo dirin hortaa Rasuulna aan u waxyoonin (Annagoo leh), "Ma jiro Ilaah (Xaq ah oo) aan Aniga (Allaah) ahayn, ee i caabuda (Anigoo keliya).”
21:26 26. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxmaanku wuxuu yeeshay ilmo. Subxaanah! Wuu ka hufan yahay, waase addoomo (malaa’igta) la sharfay [9].
21:27 27. Kagama hormaraan hadal, iyaguna amarkiisa uun bay ku camal falaan.
21:28 28. Wuxuu og yahay waxa hortooda ah iyo waxa gadaashooda ah, umana shafeecaan mid uu isagu oggolaado maahee iyaguna cabsidiisay la digtoon yihiin oo baqaan.
21:29 29. Mid kastoo ka mid ah (uunka Alle sida Ibliis ama qeyrki) ee yidhaahda: “Waxaan anigu ahay Ilaah la jirkiis Isaga,” kaas oo kale waxaan ku abaal marin Jahannama. Sidaas oo kale baan ku abaal marinnaa daalimiinta.
21:30 30. Miyaanay kuwa gaaloobay arag in samooyinka iyo arladu ay ahaayeen mid isku dheggan oo aan kala bixinnay, Waxaana ka abuurnay biyo wax kasta oo nool. Ee miyaanay rumayneyn [10].
21:31 31. Waxaanu yeellay buuro adag dhulka gudahiisa si aanay ula dhaqdhaqaaqin, waxaana yeellay dhexdeeda waddooyin ballaaran oo ay ku toosaan.
21:32 32. Waxaanu ka yeelnay samada saqaf ilaashan, iyaguna calaamadaheeda way ka jeesadaan .
21:33 33. (Alle) waa Kan Abuuray habeenka iyo maalinta iyo qorraxda iyo dayaxa, dhammaan (meertooyinka) ay si dhakhso badan ugu socdaan garangartooda.
21:34 34. Kama aanu yeelin qofna kaa horreeyey (Nabiyow) mid waadha. Ee haddaad adigu dhimato ma iyagaa waadhi?.
21:35 35. Naf walbaa waa tii dhadhamisa geeri, waxaanu idinku imtixaani shar iyo khayrba kala saar darteed, Xaggayagaana la idiin soo celin.