Cabdullaahi Xasan Yacquub — 320
20:114 114. Ee waxaa Sarreeya oo ka kor ah (dhammaan uumanka) Allaah, Boqorka Xaqa ah. Ee (Muxammadow) ha ku degdegin Qur'aanka (akhriskiisa) ka hor inta aan laguu dhammayn Waxyigiisa, oo dheh: “Rabbiyow ii kordhi cilmi.”
20:115 115. Waxaan dhab ahaan la galnay ballan Aadam mar hore [24], wuuse illoobay, kamana aanu helin go’aan adag.
20:116 116. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, wayna sujuudeen (dhammaan) Ibliis maahee, wuu diiday.
20:117 117. Waxaanu nidhi: Aadamow! Kani (Ibliis) waa kuu cadow adiga iyo xaaskaagaba. Ee yuusan idinka saarin Jannada, si aydaan u dhibtoon.
20:118 118. Waxaa kuu sugnaaday halkaan inaadan ku gaajoon kuna arradin.
20:119 119. Oo aad ku harraadeyn, qorrax kulkeedna kugu dhaceyn.
20:120 120. Markaasuu shaydaan si hoose wax ugu sheegay, isagoo ku leh: “Aadamow! Ma ku tusaa geedka waaridda iyo boqortooyo aan dhammaaneyn?”
20:121 121. Markaasay (Aadam iyo Xawwaa) wax ka cuneen (geedkii), saa waxaa u muuqday cawradoodii, waxayna billaabeen inay ku dhejiyaan (asturaan) korkooda caleemihii Jannada. Wuxuu Aadam ku caasiyey Rabbigi oo wuu habaabay [25].
20:122 122. Markaas waxaa doortay Rabbigiis wuuna ka tawbad aqbalay oo hanuuniyey.
20:123 123. (Alle) wuxuu yidhi: Ka dega (Jannadan) dhammaantiin, iyagoo qaarkiinba cadow u yahay qaar kale. Hadduu idiinka yimaado Xaggayga hanuun, qofkii raaca hanuunkayga ma ku lumayo (adduunkan), mana ku dar xumaanayo (Aakhirada).
20:124 124. Qofkii se ka jeesta Xuskayga (Qur’aankan) wuxuu mudan nolol adag oo cidhiidhi ah, waxaana la soo kulmin Maalinta Qiyaamaha isagoo indha la'.
20:125 125. Wuxuu odhan: Rabbiyow! Maxaad ii soo kulmisay (ii keentay Qiyaamada) anoo indha la’ anoo (hadda ka hor) wax arki jiray.