Cabdullaahi Xasan Yacquub — 317
20:77 77. Waxaan dhab ahaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo ku leh): "Guureysii addoomahayga oo uga yeel waddo badda dhexdeeda qallalan, ha ka cabsan haleel [14] hana ka baqin (hafitaan)".
20:78 78. Markaas waxaa raacay Fircoon oo wata askarahiisii, waxaana halkaas kaga daboo- lay xagga badda waxaasi daboolay [15].
20:79 79. Wuxuu dhumiyey Fircoon qolodiisii, mana uu hanuunin.
20:80 80. Ilmahii Israa’iilow! Waxaan idinka badbaadinnay cadowgiinnii, waxaana idinkula gallay ballan dhinaca midig ee Buurta (Siinnay), oo idiin soo dejinnay Manna iyo Salwaa.
20:81 81. Cuna waxyaalaha wanaagsan (ee xalaasha ah) oo aan idinku irsaaqnay, hana ku xadugudbina oo qooqina (dhulka, ha dulminina dadka hana is kibrinana), yeysan idinku dhicine Cadhadaydu. Kay ku dhacdo cadhadayduna hoog oo ba'.
20:82 82. Oo xaqiiq, Anigu waan u denbi Dhaaf Badanahay qofkii tawbad keena oo (Xaqa) rumeeya oo sama fala, markaas ku sugnaada hanuunka oo toosnaada.
20:83 83. (Alle wuxuu yidhi), “Maxaa kaa soo dedejiyey qoladaadii, Muusow?”
20:84 84. Wuxuu yidhi: “Waa kuwaan ku soo jooga raadkayga, waana kuu soo deg-degay Rabbiyow si aad u raalli ahaato".
20:85 85.(Alle) wuxuu yidhi: Waxaanu imtixaannay qolodaadii gadaashaa, waxaana lumiyey As-Saamiri.’
20:86 86. Markaasuu Muuse u noqday tolkiisii isagoo cadheysan oo ka xun, Wuxuu yidhi: “Tolkayow! Ma wuusan Rabbigiin idiin sameyn ballan qaad wanaagsan [16]? Ee ma waxaa idinku dheeraaday muddadii? Mise waxaad doonteen inay idiinka dhacdo Cadho xagga Rabbigiin, oo aad uga baxdeen ballankii aad ila gasheen?”
20:87 87. Waxay yidhaahdeen: “Ugama aanu bixin Ballankii aan kula gallay ikhyaarka- yaga, waxaase nala saaray culaysyo ka mid ah alaab reer (Fircoon) isku qurxin jireen [17], markaas baan ku tuurnay (dabka), sidaasuuna u tuuray As-Saamiri.