>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 315

20:52 52. (Muuse) wuxuu yidhi: Cilmigoodu wuxuu la jiraa Rabbigay, Kitaab buu ku yaal (Looxa Maxfuudka). Rabbigay ma gefo, waxnana ma halmaamo.

20:53 53. Waa Kan idiinka dhigay dhulka gogol (fidsan); oo idiinka furay waddooyin dhexdeeda, idiinkana soo dejiya biyo (roob) xagga daruuraha, markaasaan ku soo saarnaa dhir noocyo kala duwan ah.

20:54 54. Cuna oo daaqsada xoolihiinna, hubaal, waxaa arrinkani ugu sugan calaamooyin (muujin Awoodda Alle iyo mudnaantiisa Keligi cibaadada) ciddii leh caqli fayow.

20:55 55. Xaggeedaan (arlada) idinka abuurnay, gudaheeda baan idinku celin, xaggeedaana la idinka soo saari mar kale (geeri kaddib).

20:56 56. Waxaan dhab ahaan tusnay (Fircoon) calaamooyinkayaga dhammaantood, waase beeniyey oo diiday.

20:57 57. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ma waxaad noogu timid inaad nooga saarto dhulkayaga sixirkaaga Muusow?.

20:58 58. Waxaanu kuula iman sixir la mid ah ee noo qabo ballan dhexdeenna aan ku kulanno, oo aanaan ka dib dhaceyn innaga iyo adiguba midna meel fagaare ah [9].

20:59 59. (Muuse) wuxuu yidhi: “Ballankiinnu waa maalinta Ciidda, hana la soo kulmiyo Dadka barqadii.

20:60 60. Markaasuu Fircoon tagey, isuna keenay tabihiisii, markaas yimid.

20:61 61. Muuse wuxuu ku yidhi (sixiroolayaashii uu keenay Fircoon): "Magaciin bi'i waaye! Ha ka been sheegina Alle si uusan idiinku dabar goyn cadaab. Waxaana hoogay qofkii ka been sheega (Alle)”.

20:62 62. Markaasay ka doodeen arrinkooda dhexdooda oo qarsadeen faqooda.

20:63 63. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa labo saaxir oo doonaya inay idiinkaga saaraan dhulkiinna sixirkooda, oo ay bi'iyaan dariiqadiinna fiican (caadadiinna).

20:64 64. Ee isu geeya Tabtiinna oo imaada idinkoo saf saf ah; waxaa liibaani maanta ciddii gacan sarreysa ”.