Cabdullaahi Xasan Yacquub — 314
20:38 38. Markaan u waxyoonnay hooyadaa waxaan u waxyoonnay.
20:39 39.(Waxaan ku nidhi): Ku rid isaga sanduuq oo ku tuur webiga (Niil), kolkaasna webigu wuxuu ku tuuri xeebta, halkaas waxaa qaadan mid cadow ii ah, isagana cadow u ah! Waxaan yeelay dushaada jaceyl lagu jeclaado Xaggeyga ah [5], iyo in lagugu barbaariyo Ishayda horteed (waa Ilaalinteyda iyo Ogaanshaheyga),
20:40 40. (Waxaan kuu galnay wanaag mar kale) markay u tagtay walaashaa iyadoo leh: Ma idin tusaa cid idiin korin (nuujineysa)? Markaas baan kuu soo celinnay hooyadaa si ay u raalli noqoto oo aysan u murugoon. Waxaadna dishay nin [6], waanse kaa badbaadinnay walbahaar weyn, oo aan ku imtixaannay imtixaan culus, Waxaad ku negaatay sanooyin tirsan reer Madyan dhexdood. Waxaadna halkaan ku timid Qaddar Alle, Muusow!.
20:41 41. Waxaan kuu doortay Nafteyda [7].
20:42 42. “La taga adiga iyo walaalkaa Aayadahayga, hana ka daalina Xuskayga.
20:43 43. Aada xagga Fircoon, wuu xadgudbaye.
20:44 44. Kula hadlana hadal nugul, waa intaasoo uu waansamo ama ka baqo (Alle).
20:45 45.Waxay yidhaahdeen: “Rabbigayow! Waxaanu ka cabsan inuu ku degdego inuu na ciqaabo ama nagu xadgudbo.
20:46 46. (Alle) Wuxuu yidhi: Ha cabsannina, Anigaa idin la jira, waan maqli oo arkaa.
20:47 47. U taga (Fircoon) oo dhahaya: Waxaanu nahay Rususha Rabbigaa, ee nagu dar ilmaha Israa'iil hana caddabin, waxaan kuu keennay calaamad xagga Rabbigaa ah. Nabadna korkiisa ha ahaato [8] kan raaca hunuunka (Alle, Islaamka oo ku dhaqma).
20:48 48. Waxaa xaqiiq naloo waxyooday in cadaab ku dhici qofkii (Xaqa) beeniya oo ka jeesta.”.
20:49 49. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Waa Kuma Rabbigiin, Muusow?”
20:50 50. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbigayo waa kan siiyey wax walba qaabka uu leeyahay oo u tilmaamay (yoolkeed).”
20:51 51. (Fircoon) wuxuu yidhi: “Ka warran xaalka facyadii hore?.”