>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 313

20:13 13. Aniga (Alle ah) baana ku doortay (Muusow) ee dhegayso waxa laguu Waxyoon.

20:14 14. Anigu waxaan ahay Allaah. Ma jiro ilaah (xaq ah) aan aheyn Aniga, ee Anigoo Keliya i caabud, una oog salaadda Xuskayga.

20:15 15. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa - waxaana u dhowahay inaan qariyo [3] si naf walba loogu abaal mariyo waxay camal fashay.

20:16 16. “Yaanu kaa weecin xaggeeda [4] mid aan Rumaysnayn oo raaca hawadiisa, markaas waad halaagsami.

20:17 17. Waa maxay taasi ku jirta midigtaada Muusow?”

20:18 18. Wuxuu yidhi: “Waa ushayda, waan cuskadaa, oo ugu lulaa caleemaha si ay ugu soo daataan arigayga dushiisa, waxaana iigu jira dano kale.”

20:19 19. (Alle) wuxuu yidhi: “Bal hoos u tuur Muusow!”

20:20 20. Markaasuu tuuray, mise! Waa abeeso ordaysa.

20:21 21. (Alle) wuxuu yidhi: “Qaado, hana cabsan, Waxaanu ku celin sideedii hore.

20:22 22. Ku qabo gacantaada dhinacaaga, waxay soo bixi iyadoo cad (ifeysa) iin la’aan, waa calaamad kale.

20:23 23. “Si aanu kuu tusinno wax ka mid ah Aayadahayaga waaweyn.

20:24 24. “Ee aad xagga Fircoon! Waa uu xad gudbaye.”

20:25 25. (Muuse) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii waasici (deji) laabtayda.

20:26 26. “Ii fududee arrinkayga.

20:27 27. Ka fur guntintana carrabkayga,

20:28 28. “Si ay u fahmaan hadalkayga .

20:29 29. “Ii yeelna wasiir (caawiye) ka mid ah ehelkayga,

20:30 30. Haaruun, walaalkay,

20:31 31. “Ku adkee (xooji) tabarteyda (dhabarkeyga),

20:32 32. Igala qayb geli (wadaaji) arrinkayga ( Nabinnimada).

20:33 33. Si aan kuugu tasbiixsanno in badan.

20:34 34. Oo aan kuu xusno in badan,

20:35 35. Hubaal, waxaad Adigu tahay Mid mar walba na Arka".

20:36 36. (Alle) wuxuu yidhi” “Waa lagu siiyey codsigaaga Muusow!

20:37 37. Waxaanuna dhab ahaan kuu nicmeennay waqti kale (oo hore),