Cabdullaahi Xasan Yacquub — 312
19:96 96. Xaqiiq kuwa (Xaqa) rumeeyey ee samaha fala, Raxmaanku wuxuu u yeeli maxabbad 'qalbiyada mu’miniinta' [15].
19:97 97. Ee (Nabi Muxammadow) waxaan uun uga yeelnay (Qur’aanka) wax u fudud carrabkaaga si aad ugu bishaareyso dhowrsanayaasha, uguna digto qolo muran iyo been badan.
19:98 98. Badanaa intaan halaagnay hortood fac, ma ka aragtaa qof keliya oo ka mid ah iyaga mase ka maqashaa xaggooda in yar oo shanqar ah?.
20:1 1. Daa Haa [1].
20:2 2. Kuuguma aanu soo dejin (Nabiyow) Qur’aanka (inaad naftaada ku halaagto) murugo (inaysan rumayn Xaqa darteed).
20:3 3. Waase u waano ciddii ka baqda 'Alle' [2].
20:4 4.Waa soo dejinta (Alle) ee abuuray arlada iyo samooyinka sare.
20:5 5. Raxmaanku (Allaah) wuxuu kor ahaaday Carshigiisa dushiisha (si u qalanta Weynidiisa).
20:6 6. Isagaa leh waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada iyo waxa u dhexeeya iyo waxa ka hooseeyaba rayska.
20:7 7. Haddaad kor codka ugu qaaddo hadalka, hubaal, Alle Wuu ogsoon yahay sirta iyo waxa weliba ka sii qarsoonaan badan.
20:8 8. Allaah! Ma jiro ilaah (xaq ah) aan Isaga aheyn, Wuxuu leeyahay Magacyada Wanaagga iyo Quruxda Badan.
20:9 9. Ma ku soo gaadhay qisadii Muuse?
20:10 10. Markuu arkay dab, oo ku yidhi reerkiisii: "Jooga halkan! Waxaan arkaa dab. Waa intaasoo aan idiinka keeno dhimbil aad kulaalsataan, ama aan ka helo dabka cid ii i tusisa (waddada Masar)".
20:11 11. Markuu yimid meeshuu ka ifiyey dabka, waa loo yeedhay: Muusow!
20:12 12. Xaqiiq, Anigu waxaan ahay Rabbigaa! Ee iska siib kabahaaga, waxaad joogtaa togga daahirka ah ee Duwaa.