Cabdullaahi Xasan Yacquub — 311
19:77 77. Bal ka warran kan ku gaaloobay Aayadahayaga ee yidhi: Waxaa hubaal la i siin (Aakhiro) maal iyo carruur [12].”
19:78 78. Ma wuxuu daalacday cilmi Ghaybka mise Raxmaanka buu ka helay ballan?
19:79 79. Mayee’ waanu qori wuxuu sheegi, oo waan u fidin (kordhin) cadaabka fidin;
19:80 80. Waxaanuna ka dhaxli wuxuu sheegi oo dhan wuxuuna noo iman isagoo keli ah.
19:81 81. Waxay yeeshaan Allaah sokadi ilaahyo (baadil ah) si ay u siiyaan ciso.
19:82 82. Mayee’ iyagu (ilaahyadaa) waaba ay dafiri doonaan cibaadadoodii, wayna ka soo hor jeesan col ahaan (Qiyaamaha).
19:83 83. Miyaadan arag inaan ku soo dirno shayaadiinta gaalada iyagoo geliya (xumaan) gelin (joogto ah).
19:84 84. Ee ha u samir waayin, waxaan uun u tirinaynaa tiro [13] 'maalmo go’an'.
19:85 85. Maalinta aan u soo gelbin dhowrsana- yaasha xagga Raxmaanka iyagoo wafdi ah.
19:86 86. Oo aan u soo kaxeyn denbiilayaasha Jahannama iyagoo la asqoobay harraad.
19:87 87. Ma hantaan shafeeco, mid maahee ka yeesha Raxmaanka agtiisa ballan [14].
19:88 88. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Raxamaanku (Allaah) wuxuu yeeshay ilmo.
19:89 89. Waxaad la timaaddeen wax daran oo baas.
19:90 90. Samooyinka ay ku sigtaan inay la dildillaacaan, dhulkuna la jeexmo, oo ay la hoobtaan buuruhu burbur.
19:91 91. Inay ku sheegaan Raxmaanka inuu leeyahay wiil (ilmo).
19:92 92. Kuma habboona Raxmaanka inuu yeesho wiil (ilmo).
19:93 93. Wax kastoo ku sugan samooyinka iyo arlada wuxuu u imaan (Allaah) Raxmaanka isagoo addoon ah.
19:94 94. Dhab ahaan wuu koobay oo tiriyey dhammaan tirin dhan.
19:95 95. Mid walbaa wuxuu Alle u iman Maalinta Qiyaame isagoo keli ah.