Cabdullaahi Xasan Yacquub — 31
2:197 197. Xajka (waxaa la gutaa) bilaha la yaqaan [53]. Ee qofkii goosta inuu guto Xaj dhexdooda markaa waa inaysan ka dhicin galmood [54] iyo macsi iyo muran midna Xajka gudahiisa. Waxaad fashaan oo khayr ah, Alle wuu og yahay, ee sahay qaata, hubaal sahayda ugu wanaagsan waa qofka oo iska ilaasha (xumaha). Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, dadka wax garadka ahow!
2:198 198. Ma aha korkiinna wax eed ah inaad doonataan Deeq Rabbigiin [55]. Markaad ka soo dareertaan Carafaat, markaa ku xusa Alle Mashcaril-Xaramka (Muzdalifa) agtiisa. Oo xusa siduu idiin hanuuniyeyba, inkastoo arrinkani ka hor aheydeen kuwo ka mid ah kuwa lunsan.
2:199 199. Markaas ka dareera meeshuu dadku ka dareero, weydiistana denbi dhaaf Alle, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
2:200 200. Markaad dhammeysataan cibaadoo- yinkiinna, Xusa Alle sidaad u xustaan aabbayaashiin [56] ama xusid ka badan [57]. Dadkase waxaa ka mid ah kuwo yidhaah- da: Rabbigayow! Wax nagu sii adduunka oo aan ku lahayn Aakhirada qaybna.
2:201 201. Waxaa ka mid ahna kuwo yidhaahda: Rabbigayow! Nagu sii wanaag adduunka , iyo wanaag Aakhirada, nagana badbaadi cadaabka Naarta.
2:202 202. Kuwaasi waxay leeyihiin qayb(tooda) ka mid ah waxay kasbadeen. Alle wuu ku Dhakhso Badan yahay xisaabta.