Cabdullaahi Xasan Yacquub — 308
19:39 39. Uga dig Maalinta qoomamada, marka arrinka la gooyo, haddase dhoohnaan baa heysa, mana rumeeyaan (Xaqa).
19:40 40. Waa Annaga (Allaah) kuwa dhaxli arlada iyo waxa korkeeda joogaba. Xaggaygaana laydiin soo celin.
19:41 41. Ku xus Kitaabka Qur’aanka (Qisadii) Ibraahiim. Wuxuu ahaa run badne, Nabi ah.
19:42 42. (Xus) markuu ku yidhi aabbihiis: Aabbow! Maxaad u caabudi waxaan wax maqleyn, waxna arkeyn waxnana ku tari karin.
19:43 43. Aabbow! Aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan kuu imaan. Ee i raac waxaan kugu hanuunin Jid Toosan (Islaamka).
19:44 44. Aabbow! Ha caabudin (adeecin) shaydaan. Xaqiiq, Shaydaanku waa mid abad Raxmaanka ku caasi ah.
19:45 45. Aabbow! Anigu waxaan ka cabsan inuu kaa taabto cadaab xagga Raxmaanka, markaas aad u noqoto shaydaanka rafiiq (Naarta gudaheeda).
19:46 46. Wuxuu (aabbihii) yidhi: “Ma waxaad nici ilaahyadayada, Ibraahiimow? Haddaad ka harin (waxakani), waan ku dhagaxyeyn. Ee iga dheerow in muddo ah.
19:47 47. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: “Nabad korkaada ha ahaato! Waxaan kaaga baryi denbi Dhaaf Rabbigay. Hubaal, waa Mid ii Roonaan Badane.
19:48 48. Waana idinka fogaan idinka iyo waxa aad caabuddaanba Alle sokadi. Waxaan baryi Rabbigay (Allaah Keliya); Waxaan rajeyn inaanan noqon mid baryada Rabbigay ku hungooba”.
19:49 49. Markuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi Alle sokadi, waxaan u hibeynay Isxaaq iyo Yacquub, mid walbaana Waxaan ka yeelnay Nabi.
19:50 50. Waxaana ka siinnay Naxariistayada (khayr iyo riziq badan), oo u yeelnay ammaan run ah oo sarreysa.
19:51 51. Ku xus Ktiaabka (Qur’aanka) Muuse. Wuxuu ahaa daacad, Rasuul Nabi ah [7].