Cabdullaahi Xasan Yacquub — 305
19:1 1. Kaaf. Haa.Yaa. Cayn. Saad [1].
19:2 2. (Kani waa) xusid Naxariista Rabbigaa (u naxariistay) addoonkiisii Zakariya.
19:3 3. Markuu u dhawaaqay Rabbigi dhawaaq qarsoodi ah (oo Alle bari ah).
19:4 4. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, anigu way daciifeen lafahaygii filweyni darteed, madaxeyguna wuxuu la wada huray (caddaaday) cirro, mana ahi baryadayda aan ku baryo Rabbiyow mid ku hungooba.
19:5 5. Waxaana u cabsan xigtada [2] iga dambeysa (inay xumaadaan), marwadeyduna waa ma dhaleys. Ee iga sii Xaggaaga wali 'walad' [3].
19:6 6. I dhaxla [4], dhaxlana reer Yacquub oo ka yeel Rabbiyow midaad ka raalli tahay.
19:7 7. (Waxaa lagu yidhi): “Zakariyow! Waxaannu kuugu bishaaaraynaynaa wiil magaciisu yahay Yaxyaa. Ma aanu u yeelin horey wax la magac ah.
19:8 8. Wuxuu yidhi: “Rabbiyow, sidee baan u yeelan wiil iyadoo haweenteydu tahay ma dhalays,aniguna ka gaaray weynida gabow.
19:9 9. (Malaggii) baa yidhi: Sidaas (bay ahaan). Rabbigaa wuxuu yidhi [5]: Waa ii fududdahay. Waayo, waxaan ku abuuray kolkii horeba adigoon waxba ahayn.
19:10 10. (Zakariya) wuxuu yidhi: “Rabbiyow ii yeel calaamo.” Wuxuu yidhi: “Calaamad- daadu waa inaadan la hadli kareyn dadka saddex 'maalmood iyo' habeenno adigoo fayow.”
19:11 11. Markaasuu uga soo baxay qolodiisii mixraabka, oo u tilmaamay inay (Alle) u tasbiixsadaan (ka hufaan ceeb iyo nuqsaan) oo xusaan subax iyo galabba.