>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 303

18:84 84. Waxaan ku awood siinnay dhulka, waxaana u siinnay wax walba sabab (cilmi).

18:85 85. Wuxuu raacay waddo.

18:86 86. Ilaa, markuu gaaray meeshay u dhacdo qorraxdu, wuxuu helay iyadoo ku dhaceysa il dhoobo madow ah [18], oo ka helay agteeda qolo. Waxaanu nidhi: Dul Qarnaynow! Ama waa inaad cadaabto (hadday diidaan inay Xaqa rumeeyaan) ama u axsaan fasho (oo barto Islaamka).

18:87 87. Wuxuu yidhi: Qofkii dulmi fala 'oo fallaagooba' [19], waa aanu cadaabi (dili), haddana waxaa loo celin xagga Rabbigiis; wuxuuna ku cadaabi cadaab daran.

18:88 88. Qofkii se (Xaqa) rumeeya oo sama fala, wuxuu leeyahay abaal gud wanaagsan (Janno). Waxaana kula hadli ereyo nugul oo amarkayaga ah.

18:89 89. Markaasuu raacay waddo (kale),

18:90 90. Ilaa markuu gaaray meeshay ka soo baxdo qorraxda wuxuu helay iyadoo ay u soo baxaysa qolo aynu siin wax ay isaga asturaan [20].

18:91 91. Sidaas weeyee! Waxaana ku koobnay ogaansho waxa uu heystay.

18:92 92. Markaasuu raacay waddo (kale),

18:93 93. Ilaa markuu gaaray (meel) labo buurood dhexdooda ah; wuxuu sokodooda ka helay qolo dhib ku fahma hadalba [21].

18:94 94. Waxay yidhaahdeen: Dul Qarnaynow! Waxay Yuug iyo yamaayuug [22] ku falaan fasahaad arlada. Ee ma kuu yeellaa kharash waxaase shardi ah inaad yeesho dhexdeenna innaga iyo iyaga xidh gidaar ah?

18:95 95. Wuxuu yidhi: Wuxuu awood I siiyey Rabbigay baa igu filan oo khayr roon, ee igu caawiya xoog (shaqaale) waxaan yeeli moos xir weyn dhexdiinna idinka iyo iyaga.

18:96 96. Ii keena goosimo bir ah; jeer markuu simay dhinacyada labada buurood dhexdooda, wuxuu yidhi: Buufiya, ilaa markuu ka yeelay (sida) dab, wuxuu yidhi: Ii keena maar la dhalaaliyey aan ku shubee.

18:97 97. Ma ay karin (Ya'juuj iyo Ma'juuj) inay ka soo kor baxaan mana karin inay duleeliyaan.