>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 301

18:62 62. Markay in badan dhaafeen, wuxuu (Muuse) ku yidhi adeegihiisii: Noo keen qadadeenna; dhab ahaan waxaan kala kulannay safarkeennani daal badan.

18:63 63. (Yuushac) wuxuu yidhi: Ma aragtay markaan ku nasannay buurtii dhagaxa ahayd, waxaan hilmaamay kalluunkii, mana jiro wax I hilmaansiiyey inaan xuso aan ahayn shaydaan. Wuxuuna (kalluunka) qaaday jidkiisa xagga badda si cajab leh!

18:64 64. (Muuse) wuxuu yidhi: Arrinkani waa waxaanu doonaynay, markaasay dib u noqdeen iyagoo qaadaya raadadkoodii.

18:65 65. Markaasay ka heleen halkaa addoon ka mid ah addoomahayga oo aan siinnay Naxariis xaggayaga ah, kaasoo aan ka barnay Xaggayaga cilmi [15].

18:66 66. Muuse wuxuu ku yidhi: Ma ku raaci karaa si aad ii barto waxa lagu baray oo cilmi ah lagu hanuuno.

18:67 67. (Khadir) wuxuu yidhi: Adigu ma kareysid la jirkayga samir.

18:68 68. Sidee baadna ugu samir yeelan waxaadan cilmi ku koobin?

18:69 69. (Muuse) wuxuu yidhi: Haddii Alle Idmo, waxaad iga heli samir, kugumana caasinayo arrinna.

18:70 70. (Khadir) wuxuu yidhi: Haddaad i raacdo markaa yeysan jirin wax aad wax iga wey- diiso jeer aan kaaga warramo maahee.

18:71 71. Markaasay tageen ilaa ay koreen doonni, oo uu duleeliyey (looxii doonta); (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad u duleelisay inaad qarqido dadkeeda? Waxaad la timid arrin fool xun.

18:72 72.Wuxuu yiri: Miyaanan kugu odhan, adigu ma kareysid la jirkayga samir?

18:73 73. (Muuse) wuxuu yidhi: Ha ii qabanin waxaan hilmaamo [16], hana igu kallifin wax adag aan dhibsado arrinkaygan (wax barashada) darteed.

18:74 74. Way tageen ilaa ay la kulmeen wiil (yar), markaasuu dilay. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma waxaad dishay naf daahir ah oo aan naf dilin? Waxaad la timid wax xun oo aan la qaadan karin.