>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 299

18:46 46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.

18:47 47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.

18:48 48. Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.

18:49 49. Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.

18:50 50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuu caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.

18:51 51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.

18:52 52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwa aad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.

18:53 53. Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.