Cabdullaahi Xasan Yacquub — 298
18:35 35. Wuxuu galay beertiisii isagoo dulmiyey naftiisa [12]. Wuxuu yidhi: u malayn mahayo inay (beer) tani baabba’ayso waligeed.
18:36 36. Umana malaynayo inay Saacadda (Qiyaame) weligeed dhici, haddii la ii celiyona xagga Rabbigay waxaan ka heli meel tani ka rug doorsi iyo meel noqosho fiican.
18:37 37. Wuxuu saaxiibkiis ku yidhi isagoo la doodaya; Ma waxaad ku gaalowday Kan Isagu kaa abuuray carro, haddana dhibic mani ah, haddana kaa dhigay nin dhan.
18:38 38. Waa se Allaah, Rabbigay, lana wadaajin maayo cidna Rabbigay cibaadada.
18:39 39. Maxaadan markaad gashay beertaada u odhan: Maashaa Allaah (waxa uu Alle doono ayaa ahaan)! Ma jiro xoog 'iyo xeelad' xagga Alle mooyee? Haddaad aragtay inaan kaa maal iyo carruur yarahay.
18:40 40. Waa intaasoo uu Rabbigay i siiyo wax ka khayr badan beertaada, kuna soo diro biriq cir ka soo dhac ah, markaas noqoto dhul gabiib ah oo aan dhir lahayn.
18:41 41. Ama ahaadaan biyaheedu kuwa gudha, oo aad kari doonin inaad gaarto.
18:42 42. Waa la koobay midhahiisii (oo la baabba’iyey), markaasuu wuxuu billaabay inuu 'kor iyo hoos u' geddiyo calaacalahiisa wuxuu maal ku baxshay darteed, iyadoo cid la’ ah oo isku soo hoos dhaceen saqafyadeedii, wuxuuna yidhi: Alla anigaa! Ii rooneydaa inaan la wadaajin Rabbigay cibaadada cidna.
18:43 43. Uma ahaanin koox u gargaarta oo Alle sokadi ah, mana aha mid is difaaci kara.
18:44 44. Halkaasi [13], awood oo dhan waxaa leh Allaah, Xaqa ah. Isagaa u abaal marin wanaagsan oo u cidhib san.
18:45 45. Ugu soo qaad tusaale nolosha adduunkan inay la mid tahay biyaha aan ka soo dejinno daruuraha, markaa dhirta ka soo baxda dhulka noqoto mid isku darsanta, haddana noqota xaabo engeg ah u burburta gaballo ay dabeyshu firdhiso. Alle wuxuu ku leeyahay awood wax walba dushood.