Cabdullaahi Xasan Yacquub — 291
17:87 87. Naxariis maahee xagga Rabbigaa ah. Fadligiisu korkaaga (Nabiyow) waa mid aad u weyn.
17:88 88. Dheh: Hadday dadku iyo jinku isugu tagaan inay la yimaadaan wax la mid ah Qur’aankan, ma la imaan karaan wax la mid ah, xataa hadduu qaarba qaarka kale caawiyo oo siiyo garab.
17:89 89. Waxaan dhab ahaan ugu faahfaahinnay dadka Qur'aankaan dhexdiisa nooc kasta oo tusaale ah, wayse diideen dadka badankiisu waxaan ahayn gaalnimo.
17:90 90. Waxayna yidhaahdeen: ku rumeyn meyno jeer aad nooga burqiso dhulka ilo;
17:91 91. Ama aad yeelato beero timir iyo canabyo ah oo aad ka burqiso webiyo durdur ah dhexdooda burqin.
17:92 92. Ama aad nagu soo riddo cirka sida aad sheegatay isagoo gaballo googga'an ah, ama aad keento Alle iyo malaa’igta hortayada fool ka fool.
17:93 93. Ama aad yeelato guri ka sameysan dahab ama aad korto cirka, rumeyn meynona koriddaada jeer aad noogaga soo dejisid Kitaab aan akhrinno. Dheh: Xurmad Rabbigay baa iska leh oo ka Hufan (ceeb iyo nuqsaan). Ma waxaan ahay waxaan ahayn aadmi Rasuul ah?
17:94 94. Waxna uma diidin dadka rumeynta markuu hanuunku u yimid oo aan ahayn inay yidhaahdeen: Ma wuxuu Alle soo diray aadmi Rasuul ah?
17:95 95. Dheh: Hadday jiri lahaayeen dhulka, malaa’ig ku maraysa nabad oo deggan [34], Waxaan uga soo dejin laheyn cirka malag Rasuul ah.
17:96 96. Dheh: Alle baa ku filan markhaati dhexdeenna aniga iyo idinka. Hubaal Waa uu ka War hayaa addoomahiisa, Arkaa.