>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 290

17:76 76. Waxayna u dhowaadeen inay kaa fiijiyaan arlada si ay kaaga saaraan. markaas ma negaadeen gadaashaa in yar ma’ahee [26].

17:77 77. (Kani waa) jidkayaga xagga Rususha aan soo dirnay hortaa, kamana heleysid wax isbeddel ah jidkayaga.

17:78 78. Oog salaadda markay qorraxdu waareegto [27] ilaa mugdiga habeenka [28] oo (dheeree) akhrinta (salaadda) subaxa hore [29]; hubaal akhrinta (salaadda) subaxa hore waa mid la soo xaadiro [30].

17:79 79. Oo qayb ka mid ah habeenka tuko tahajjud (salaatu leyl), salaad dheeri kuu ah aan faral ahayn. Waa intaasoo Rabbigaa kuu soo bixiyo meeqaan sharaf iyo ammaan leh [31].

17:80 80. Dheh: Rabbiyow! I gali meel gelitaan wanaagsan [32], ina bixi bixitaan wanaagsan. Igana sii Xaggaaga awood gargaar ah [33].

17:81 81. Dheh: Xaqu waa yimid, baadilkuna waa baabbi'i; baadilku waa wax baabba’a.

17:82 82. Waxaana ka soo dejinnaa Qur’aanka wax Caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, umana kordhiyo daalimiinta waxaan khasaaro ahayn.

17:83 83. Markaan u nicmeyno aadmiga (waa gaalka) wuu jeestaa (Xaqa ka fogaadaa) oo dhinac u baxaa isagoo islaweyn. markay taabatona dhibaato wuu quustaa.

17:84 84. Dheh: Mid walbaa wuxuu u dhaqmaa hadba siday tahay asluubtiisa, Rabbigiin baana aad u ogsoon kan isagu si fiican ugu hanuunsan jidka (Toosan ee Islaamka).

17:85 85. Waxay wax kaa weydiin Ruuxda; Dheh: Ruuxda waa amar xagga Rabbigay (oo Isagaa u Cilmi leh). La idin kama siin (dadow) cilmiga wax yar ma ahee.

17:86 86. Haddaan doonno waan la tegi kaan kuu waxyoonnay (Qur’aanka). Markaas ma heleysid wakiil naga kaa difaaca.