Cabdullaahi Xasan Yacquub — 288
17:59 59. Waxna nooma diidin inaan soo dirno calaamooyin aan ahayn inay dadkii hore beeniyeen. Waxaana siinnay Thamuud hal - calaamad muuqata ah, wayse ku dulmi faleen. Uma aanu soo dirno calaamooyinka waxaan aheyn cabsi gelin.
17:60 60. (Xusuuso, Nabiyow) markaan kugu nidhi: Rabbigaa wuxuu koobaa dadka; kamana aynu yeelin riyadaan ku tusnay [21] waxaan ahayn imtixaamid dadka, iyo geedka xunba (ee ku xusan) Qur’aanka (waa Zaquumka), oo aan ku bajinno, umase kordhiyo waxaan ahayn xadgudub weyn.
17:61 61. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, markaasay u sujuudeen Ibliis maahee (ma uu yeelin). Wuxuu yidhi: Ma waxaan u sujuudaa mid aad ka abuurtay dhoobo?.
17:62 62. (Ibliis) wuxuu yiri: Bal ka warran, kan aad iga sharaftay, haddaad dib ii dhigto ( dhimashadeyda) ilaa Maalinta Qiyaama- ha, waxaan bishin tuuri oo ku xiri dacay aan ku hoggaamiyo (waana ka adkaan oo dhumin) ubadkiisa dhammaan wax yar ma’ahee.
17:63 63. (Alle) wuxuu yidhi: (Duf ku) bax, ciddii ku raacda oo ka mid ah, waa Jahannama abaalkiinnu, abaal marin dhan.
17:64 64. Ku duufso waxooda aad karto oo ka mid ah codkaaga [22], oo u soo kulmi ciidammadaada iyagoo gaadiid wata iyo iyagoo lug ku socdaba, oo la wadaag maalka [23] iyo awlaadda [24], una yabooh (ballamo been ah), umase yabooho shaydaanku waxaan dhagar aheyn.
17:65 65. Hubaal addoomahayga, kuma lihid awood korkooda. Waxaana ku filan Rabbigaa oo wakiil u ah.
17:66 66. Rabbigiin (Alle) waa Kan idiinku socodsiiya doonyaha badda si aad u raadsataan Deeqdiisa. Hubaal Waa uu idiin Naxariis Badan yahay.