>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 287

17:50 50. Dheh: Noqda dhagxaan ama bir.

17:51 51. Ama abuur kale ka mid ah waxaa ay aad u adag tahay (in la siiyo nolol) siday idinkula tahay maankiinna.Waxay odhan: Yaa na soo celin? Dheh: Kan idin abuuray kal horeba! Markaa waxay ruxi madaxya- dooda xaggaaga iyagoo leh: Waa goorma? dheh: Waa intaasoo uu dhow yahay.

17:52 52. Maalinta uu idiin yeedhi, oo aad ajiibi idinkoo u jeedin ammaan, waxaadna moodi inaydan nagaanin wax yar ma’ahee.

17:53 53. Ku dheh addoomahayga (inay) ku hadlaan hadal kan u wanaagsan. Hubaal Shaydaanku wuxuu ka dhex abuuraa is nac, kala fogaansho iyo is af garan waa’. Shaydaanna aadmiga abad waa u cadow cad.

17:54 54. Rabbigiin baa aad idin yaqaan, hadduu doono, wuu idiin naxariisan, ama hadduu doono, wuu idin cadaabi, kuugumana aanu soo dirin 'Nabiyow' inaad wakiil ka ahaato.

17:55 55. Rabbigaa baana aad u ogsoon waxa ku sugan samooyinka iyo arlada. Waxaan dhab ahaan ka kormarinnay qaar ka mid ah anbiyada qaar kale, Waxaana siinnay Daawuud Zabuur.

17:56 56. Dheh: Bal u yeedha kuwa aad sheegtaan (baridaan Alle) Sokadi [19], ma laha awood ay idiinka feydaan waxyeello ama idiinka wareejiyaan (cid kale).

17:57 57. Kuwaas ay baryaan (caabudaan), iyaga naf ahaantooda ayaa doona asbaabta u dhowaanshaha Rabbigood [20]– koodii ugu dhowaansho badnaan - waxayna rajeeyaan Naxariistiisa, oo ka cabasadaan Cadaabkii- sa. Cadaabka Rabbigaana waa wax laga digtoonaado.

17:58 58. Ma jirto magaalo aynu halaageyn ka hor Maalinta Qiyaame ama aynu cadaabeyn cadaab daran: kani wuxuu ku qoran yahay Kitaabka (Looxa Maxfuudka).