Cabdullaahi Xasan Yacquub — 286
17:39 39. Kuwani waa (qaar) ka mid ah wuxuu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah.
17:40 40. Ma wuxuu Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay malaa’igta gabdho? Waxaad ku hadlaysaan wax daran oo baas.
17:41 41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo.
17:42 42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn [17].
17:43 43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay sheegayaan sarreyn weyn.
17:44 44. Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan. Ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa, waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan.
17:45 45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah [18].
17:46 46. Waxaanu yeellay quluubtooda dushooda daboollo iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, markaadna ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan.
17:47 47. Annagaa ogsoon waxay dhageystaan markay ku dhegaysanayaan iyo markay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, markay daalimiintu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran.
17:48 48. Fiiri siday kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, sidaasayna ku lumeen, oy u heli karin Jidna.
17:49 49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?