>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 285

17:28 28. Haddaad ka sii jeesato (kuwaa baahan ee dan yarta ah) adigoo filan Naxariis xagga Rabbigaa ah oo aad mar walba rajeyso, markaa kula hadal horaar san [13].

17:29 29. Ha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan luquntaada, hana wada fidin fidsanaan dhan, si aad meel u fadhiisan hadhow dambe adigoo eedeysan tabar gab ah.

17:30 30. Hubaal, Rabbigaa wuxuu u fidiyaa risiqa kuu doono, oo ku cidhiidhiyaa (kuu doono). Hubaal waa Mid addoomahiisa mar walba Xog Ogaal u ah oo Arka.

17:31 31. Ha dilina carruurtiinna baqe aad ka qabtaan faqri darti, Annagaa irsaaqayna iyaga iyo idinkaba. Hubaal, dilkoodu waa gef Weyn.

17:32 32. Ha u dhowaannina Zinada [14], waayo waa weji-xumo (if iyo aakhiraba) iyo dariiq aad u xun.

17:33 33. Ha ku dilina nafta uu Alle xaaraa- meeyay waxaan xaq ahayn. Qofkii lagu dilo gardarro, Waxaan siinnay waligiisa (sokeeyahiisa) awood [15]. waase inuusan ku xad-gudbin dilka [16]. Hubaal waa loo gargaaraye.

17:34 34. Ha u dhowaannina maalka agoonka sida u fiican maahee jeer uu qaan gaaro, oofiyana ballanka. Hubaal ballan walbaa oo la galo waa la is weydiin.

17:35 35. Oofiya miisaanka markaad wax miisaameysaan, oo ku miisaama miisaan xaq ah. Kan baa khayr roon oo cidhib san.

17:36 36. Ha raacraacin wax aadan u laheyn cilmi. hubaal Maqalka, Aragga iyo Laabta mid walbaa oo kuwaas ka mid ah waa lays weydiin.

17:37 37. Ha ku soconin dhulka kibir, waayo ma kartid inaad jeexdid dhulka, kumana gaadheysid buuraha dherer.

17:38 38. Dhammaan waxakani – xumaanteedu - Rabbigaa agti waa lagu neceb yahay.