Cabdullaahi Xasan Yacquub — 284
17:18 18. Qofkii raba noloshatan dhaqso dhammaaneysa (adduunyada), Waan ugu soo dedejinnaa dhexdeeda waxaan doonno ciddaan doonno. Markaas kaddib waxaan ka yeellaa mid gala Jahannama isagoo dulleysan oo dayro ah.
17:19 19. Qofkiise raba Aakhirada oo u dadaala dadaalkeeda lagu helayo oo mu’min ah, kuwaa dadaalkooda waa mid la tixgeliyo [10].
17:20 20. Dhammaan waan siinnaa deeq - kuwaan (dooni adduun) iyo sidoo kale kuwaa (dooni Aakhiro) - ka mid ah deeqda Rabbigaa. Ma aha deeqda Rabbigaa mid reebban.
17:21 21. Fiiri, sidaan uga fadilnay qaarkoodba qaar (adduunkan gudihi), Aakhirada baana lagu sii kala derejo weyn yahay oo lagu sii kala fadli badan yahay.
17:22 22. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aadan u fadhiisan (cadaab dhexdi) adigoo dulleysan deyro ah.
17:23 23. Wuxuu guddoonshay Rabbigaa inaydaan caabudin cidna Isaga maahee iyo u sama fal labada waalid. Hadduu midkood ama labadoodaba ku soo gaaro agtaada da' weyni, ha ku odhan erey xurmo darro ah haba ahaatee “uf” [11], hana ku qeylin, oo kula hadal, hadal wanaagsan oo xurmo leh.
17:24 24. U raarici ( waalidkaa oo nuglee) garab naxariiseed (u muuji naxariis), oo dheh: Rabbiyow! Ugu Naxariiso siday ii soo koriyeen anigoo yar.
17:25 25. Rabbigiin baa dhab u ogsoon waxa ku jira nafahiinna. Haddaad wanaagsan tihiin, markaa hubaal, wuu u denbi dhaafaa kuwa tawbad keenka badan.
17:26 26. Sii kan qaraabada ah xaqiisa iyo miskiinka iyo socotada (go’doonsan), hana ku bixinnina maalka wax xun oo dayac ah [12].
17:27 27. Hubaal kuwa dayaca ee wax xun ku bixiya maalka waa walaalaha shayaadiinta, Shaydaanna waa mid ka abaal dhaca Rabbigi.