>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 283

17:8 8. Waa intaasoo Rabbigiin idiin naxariisto (haddaad tawbad keentaan), haddiise aad mar kale u noqotaan (xumo fal), waxaanu Annaguna sidoo kale u noqon (Ciqaabidda). Waxaana uga dhignay Jahannama gaalada gogol.

17:9 9. Xaqiiq, Qur’aankani wuxuu ku hanuunin dadka arrin tan u toosan, uguna bishaareyn mu’miniinta fala samaha inay leeyihiin Abaalgud Weyn (Janno).

17:10 10. Kuwa se aan rumeynin Aakhirada, Waxaanu u diyaarinnay Cadaab xanuun badan.

17:11 11. Wuxuu aadmigu u yeedhaa (baryaa) shar siduu ugu yeedho (baryo) khayr. Aadmiguna mar walba waa degdegaa [7].

17:12 12. Waxaan ka yeellay habeenka iyo maalinta labo calaamadood. Waxaanu tirray calaamadda habeenka (ka dhignay mugdi), oo ka yeelnay calaamadda maalinta mid la arko oo muuqata, si aad ugu raadsataan deeqda Rabbigiin, iyo si aad u ogaataan tirada sanooyinka iyo xisaabta. Waxaana u caddaynay wax walba si faahfaahsan.

17:13 13. Qof walbaa waxaanu laasiminnay camalkiisa duula (khayr ama shar miduu yahayba) luquntiisa [8], Waxaana u soo saari Maalinta Qiyaamaha Kitaab uu la kulmi isagoo fidsan.

17:14 14. (Waxaa lagu odhan) Akhri Kitaabkaaga, adigaa isugu filan maanta xisaabiye ahaan.

17:15 15. Qofkii hanuuna, wuxuu u hunuunay naftiisa. Kii lumaana [9], wuxuu uun u lumay naftiisa. Ma qaaddo nafi, denbi naf kale, oo ma cadaabno cidna jeer aan soo dirno Rasuul (u diga).

17:16 16. Markaan doonno inaan halaagno magaalo, Waxaan u dirnaa Amarkayaga kuwaa ka mid ah dadkeeda ee ladan (inay Alle adeecaan) markaasay ka hor yimaadaan oo diidaan, kolkaas baa xaq ugu dhacaa Qowlka (cadaabka) oo aan burburinnaa burburin dhan.

17:17 17. Immisaanu halaagnay facyo Nuux ka dambow! Rabbigaa baana ku filan inuu yahay Kan denbiyada addoomihi Ogsoon ee Arka.