Cabdullaahi Xasan Yacquub — 282
17:1 1. Waxaa xurmo oo dhan iska leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan) Kan (waa Alle'e) ka guureysiiyey addoonkiisa (Nabi Muxammad) goor habeen ah Masjidka Xaramka (Kacbada) xagga Masjidka shishe, ee aan barakaynay hareerahiisa [1], si aan wax uga tusno Calaamooyinkayaga. Hubaal (Alle) Waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
17:2 2. Waxaanu siinnay Muuse Kitaabka (Towraadda) oo aan uga yeelnay hanuun Ilmahii Israa’iil (Annagoo leh): Ha ka yeelannina cidaan Aniga (Alle) aheyn wakiil aad tala saarataan [2].
17:3 3. Ubadka kuwa aan la qaadnayow Nuux! Hubaal (Nuux) wuxuu ahaa addoon aad u mahad naqid badan.
17:4 4. Waxaan ugu sheegnay Ilmahii Israa'iil Kitaabka [3]: Waxaad fasahaadin arlada labo jeer oo isku kibrin iskibrin weyn.
17:5 5. Markuu yimid wacadkii hore (kii koowaad), waxaan idinku soo dirnay addoomo aan leennahay oo xoog badan [4] oo ku daran dagaalka. Markaasay galoo baxeen oo xuleen guryihiinna dhexdooda, wuxuuna ahaa wacad la fuliyey [5].
17:6 6. Misna Waxaan mar kale idiin soo celinnay markiinna inaad ka guuleysataan. Waxaana idinku taageernay maal iyo wiilal oo idinka dhignay ciidan tiro badan.
17:7 7. Haddaad samo fashaan, waxaad u sama fashaan uun nafahiinna, haddaad xumaan fashaanna (idinkay idiin daran tahay oo denbigaa) leh. Markuu wacadkii dambe (kii labaad) yimid 'Waxaan soo dirnay cadowyadiinna' [6] si ay ugu dhigaan tiiraanyo ka muuqaato wajiyadiinna, oo ay u galaan masjidka Al-Aqsaa (ee Qudus ku yaal) siday markii horeba u galeen, oo ay u baabbi’iyaan wax kastoy awood u yeeshaan baabba' muuqda.