>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 281

16:119 119. Haddana Rabbigaa kuwa u fala xumaan jahli darti markaas tawbad keena taa kaddib oo samaada, Rabbigaa intaas kaddib, waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

16:120 120. Hubaal Ibraahiim wuxuu ahaa hoggaamiye lagu daydo [29], adeeca Alle, ka leexsan (diimaha gurracan oo dhan), mana aheyn mid ka mid ah Mushrikiinta.

16:121 121. Ka mahad naqa Nicmooyika Alle. (Alle) baa doortay oo ku hanuuniyey Jid Toosan (Islaamka).

16:122 122.Waxaanu ku siinnay samaan adduunka. Aakhiradana wuxuu hubaal ka mid ahaan inta wanaagsan.

16:123 123. Markaas Waxaanu kuu waxyoonnay (Nabi Muxammadow): Raac diinta ibraahiim ee toosan, kamana mid aheyn Mushrikiinta.

16:124 124. Sabtida waxaa uun sideedaba loo waajib yeelay kuwii isku khilaafay arrinkeeda [30], Rabbigaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaamaha waxay isku khilaafayeen.

16:125 125. Ugu baaqa (dadka) Jidka Rabbigaa si xikmad leh iyo waano wanaagsan, oo ula dood sida ugu fiican. Rabbigaa wuu Og yahay kuwa ka luma Jidkiisa, wuuna Og yahay kuwa hanuunsan.

16:126 126. Haddaad aar goosaneysaanna, aar goosta in la mid ah intii la idiin geystey oo kale, haddaadse samartaan, sidaasaa u wanaagsan kuwa samra.

16:127 127. Samir, mana aha samirkaagu waxaan aheyn (wax lagu helo kaalmada) Alle. Oo ha u murugoon, hana ka welwelin waxay xume qoolaan oo dabin dhigaan.

16:128 128. Hubaal Alle wuxuu la jiraa kuwa iska jira (xumaha, dhowra Amarradiisa) ee ah sama falayaasha.