>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 280

16:111 111. (Xusuuso) Maalintay naf walba imaan iyadoo u doodaysa nafteeda, oo naf walba loo oofin waxay fashay, iyagoo aan la dulmineyn.

16:112 112. Alle wuxuu ka yeelay tusaale: magaalo nabad aheyd xasilloon; oo uu uga yimaado risiqeedu haqab la’aan meel walba, ha yeeshee ku gaalowday Nicmooyinkii Alle. Sidaas darteed Alle ka yeelay inay dhadhamiso gaajo daran iyo cabsi waxay samaynayeen darteed [27].

16:113 113. Waxaana u yimid Rasuul ka mid ah, wayse beeniyeen, markaasaa waxaa ku dhacay Cadaab iyagoo ahaa daalimiin.

16:114 114. Ee cuna waxa Alle idin siiyey xalaasha fiican ah oo ka mahad cesha Nicmadda Alle haddaad Isaga Keliya caabuddaan.

16:115 115. Wuxuu uun idinka xaaraameeyey baqti iyo dhiig iyo hilib doofaar iyo wixii lagu xusay (gowracay) waxaan aheyn magaca Alle. Qofkii se ay dani ku qabato isagoo aan caasooyobid u dan laheyn, oo xad gudbeyn, hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.

16:116 116. Ha sheeginana waxay carrabyadiinnu tilmaamayaan oo been ah (idinkoo leh): Kani waa xalaal kanna waa xaaraan, si aad ugu been abuurataan Alle. Kuwa ku been abuurta Alle ma liibaanayaan.

16:117 117. Waa raaxo yar (adduunka) waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

16:118 118. Kuwa heysta (diinta) Yuhuudiyadda Waxaanu ka xaaraamaynay waxyaalaha aan horay kuugu soo sheegnay [28]. mana aanu dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.