Cabdullaahi Xasan Yacquub — 28
2:182 182. Qofkiise uga cabsada eex ama denbi dardaarmaha ee ka sameeya heshiis [40] dhexdooda oo wax hagaajiya, ma saarna denbi korkiisa. hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
2:183 183. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idinku faral yeelay soon [41] sidii loogu faral yeelay ummadahii idinka horreeyay, si aad (u dhowrtaan Amarrada Alle oo) isaga jirtaan xumaha.
2:184 184. Maalmo tirsan, ee qofkii idinka mid ah ee buka ama safar ah, markaa waxaa saaran (inuu soomo) isla tiradii (maalmahii uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. kuwaa aan awoodinna (inay soomaan) [42] waxaa saaran fidyo ah inay quudiyaan miskiin [43]. Qofkii iskii u falaa khayr isagay u roon tahay. Inaad soontaan baana idiin khayr badan haddaad og tihiin.
2:185 185. Bisha Ramadaan ee la soo dejiyey Qur’aanka, hanuun u ah dadka iyo caddeymo hanuun iyo kala saarid (Xaqa iyo baadilka). Ee qofkii jooga (degaankiisa isagoo fayow) ha soomo, qofkiise buka ama safar ah waxaa saaran isla tirada (maalmahaa uusan soomin oo uu gudo) maalmo kale. Alle wuxuu idin la rabaa fudayd, oo idinlama rabo culays, (wuxuu rabaa) inaad dhammeystirtaan tirada (maalmaha) iyo inaad (xurmo) weyneysaan Alle inuu idin hanuuniyey darteed, iyo inaad ku mahdisaan.
2:186 186. Markay addoomahaygu i kaa weydiiyaan, Anigu (waa Alle'e) waan dhowahay, waan ajiibaa baryada markuu qofku i baryo [44]. Ee ha i ajiibeen hana i rumeeyeen, si ay u hanuunaan.