>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 278

16:94 94. Ha ka dhigannina dhaarahiinna siyaalo aad isku khiyaantaan dhexdiinna, si aanay cagi u sidban kaddib sugnaashaheeda, oo aad dhadhamisaan xumaan (cadaab) inaad ka jeedsateen Jidka Alle darteed, waxaadna mudan Cadaab weyn.

16:95 95. Ha siisinnina Axdiga Alle qiimo yar (adduunyo). Hubaal waxa Alle agtiis ah baa idiin khayr badan haddaad og tihiin.

16:96 96. Waxa aad haysataan way dhammaan, waxase Alle agtiis ah baa baaqi ahaanaya. Waxaana ku abaal marin kuwa samra ajarkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen.

16:97 97. Qofkii sama fala lab ama dheddig oo mu’min ah waxaan hubaal ka yeeli inuu noolaado nolol fiican oo farxad leh, waxaanuna siin abaalgudkooda u qalma waxa ugu wanaagsan ay falayeen [24].

16:98 98. Ee markaad akhrineyso Qur’aanka, (hor iyo baataba) Alle ka magan gal shaydaanka la fogeeyey.

16:99 99. Kuma dul laha awood kuwa (Xaqa) rumeysan oo Rabbigood tala saarta.

16:100 100. Ee wuxuu awood ku dul leeyahay oo keliya kuwa ka yeesha sokeeye iyo kuwa la wadaajiya Alle cibaadada cid kale.

16:101 101. Markaan ku beddelno Aayad meel Aayad kale, Alle baana Ogsoon wuxuu soo dejiyo, waxay (gaaladu) yidhaahdaan: Waxaad uun tahay been abuurte. Badankooduse wax ma oga.

16:102 102. Dheh: Ruuxa Daahirka ah (Jabriil) baa kaga soo dejiyey xagga Rabbigaa si xaq ah, si uu ugu sugo kuwa (Xaqa) rumeysan, oo ugu ahaado hanuun iyo bishaaro Muslimiinta (u hoggaansan Rabbigood).