>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 273

16:55 55. Si ay uga abaal dhacaan waxaan siinnay. Ee iska raaxeysta, waadse ogaan doontaan (waxa idinku dhaca).

16:56 56. Waxay u yeelaan qayb ka mid ah waxa aanu siinnay wax aanay garanayn 'oo ilaahyo been ah' [11]. Tallaahi, waa la idin weydiin waxaad been abuurateen.

16:57 57. Waxay u yeelaan Alle gabdho [12]. Xurmo oo dhan Isagaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), iyaguna waxay isa siiyeen waxay rabaan.

16:58 58. Marka loogu bishaareeyo midkood (dhalashada) dheddig, wuxuu noqdaa wejigiisa madow, isagoo tiiraanyeysan.

16:59 59. Wuxuu iska qariyaa dadka xumida waxa loogu bishaareeyey darteed. Ma wuxuu ku heystaa dulli mise ku aaasaa (iyadoo nool) carrada? Xumaa waxay xukumaan [13].

16:60 60. Kuwa aan rumeysneyn Aakhirada waxaa u sugnaaday tusaale xun [14]. Alle waxaa u sugnaaday tilmaanta wanaagsan ee sare, waana Adkaadaha, Xakiimka ah.

16:61 61. Hadduu Alle durba u qaban lahaa dadka dulmigay falaan darti, kagama tageen (dhulka) guudki nafley qudh ahi, wuxuuse ugu dib dhigaa muddo magacaa- ban, marka ajalkoodu yimaadana ma dib dhigi karaan Saacad mana soo hor marin karaan.

16:62 62. Waxay u yeelaan Alle (gabdho) ay (iyaguba) nacaan, carrabyadooduna waxay sheegaan beenta ah inay mudan midda wanaagsan; waxaa sugan inay leeyihiin Naar, oo loo hormarin doono [15].

16:63 63. Tallaahiye, Waxaan u soo dirnay (Rusul) ummado kaa horreeyey, Wuxuuse u qurxiyey Shaydaanka camalladooda, Isagaana sokeeye u ah maanta, waxayna leeyihiin cadaab xanuun badan.

16:64 64. Kuuguma aannu soo dejin Kitaabka (Qur’aanka) waxaan ahayn inaad u caddeyso waxyaalaha ay isku khilaafsan yihiin, iyo hanuun ahaan iyo Naxariis ciddii rumeyn.