>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 272

16:43 43. Ma aanu soo dirin adiga hortaa (Nabi Muxammadow) waxaan ahayn rag aan u waxyoonno (oo ma soo dirin malaa’ig). Ee weydiiya ehlu Dikirka (yaqaan Towraadda iyo Injiilka), haddaydaan ogeyn.

16:44 44. Xujooyin cad iyo Kutub (baan la soo dirnay Rususha). Waxaana kugu soo dejinnay Waanada (Qur’aanka), si aad ugu caddaysid dadka waxa loo soo dejiyey, bal inay u fiiro yeeshaan oo ay wax ku qaataan.

16:45 45. Ma waxay kuwa qoola xumaha aamin ka yihiin in Alle la gooyo dhulka, ama uga yimaado cadaabka meel aanay ka fileyn?

16:46 46. Ama qabto iyagoo ku jira howlahooda, markaas ma ka baxsan karaan (Ciqaabka)?

16:47 47. Ama qabto iyagoo ku sugan cabsi isa soo tarta. Rabbiggiinna waa Turid Badane, Naxariis Badan [9].

16:48 48. Miyeyna u fiirsan wax kastoo uu Alle abuuray, (sida) hoosaskoodu ugu iishaan midig iyo bidix, oo ugu sujuudaan Alle iyagoo u khushuucsan.

16:49 49. Alle waxaa u sujuuda waxa ku sugan samooyinka iyo waxa ku sugan arlada oo nafley dhul socod ah iyo malaa’igta, iskamana weyneeyaan.

16:50 50. Waxay ka cabasadaan Rabbigood ka korreeya, waxayna falaan waxa la amro.

16:51 51. Alle wuxuu yidhi: Ha yeelannina labo ilaah. Waa uun Ilaah Keliya (Allaah). Ee Anigoo Keliya iga cabsada [10].

16:52 52. Alle baa iska leh Waxa ku sugan samooyinka iyo arlada, Waa in Isaga (Alle Keliya) loo gaar iyo gooni yeelo cibaadada oo la adeeco si joogta ah. Ee Ma waxaad ka cabsan waxaan ahayn Alle.

16:53 53. Wax kastoo nicmo ah ee (lagu galladeystey) dushiinna waa xagga Alle, haddana marka dhibaato idin ku dhacdo, Xaggiisaad u calaacashaan idinkoo gargaar doon ah.

16:54 54. Markuu idinka faydo dhibaatadana, mise qaar idin ka mid ahi ayaa Rabbigood (Alle) la wadaajiya cibaadada cid kale.