>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 270

16:27 27. Kaddib Maalinta Qiyaamaha wuu dullayn [5], wuxuuna odhan: Meeye shurakadii aad ila wadaajiseen cibaadada ee aad iyaga awgood u noqoteen col? Kuwa cilmiga la siiyey waxay odhan: Dulli iyo dar xumo waxay maanta haysataa gaalada.

16:28 28. Kuwa ay malaa’igtu oofsan6 iyagoo ku dulminaya nafahooda (shirki ama denbiyo kale oo waaweyn). Waxayna markaas muujiyaan hoggaansamid (iyagoo leh): Ma ba aanu fali jirin wax xume ah. Haayoo, hubaal, Alle baa ogsoon waxaad falayseen.[6]

16:29 29. Gala albaabbada Jahannama idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Xumaa hoyga isla weynayaasha.

16:30 30. Waxaa lagu yidhaahdaa kuwa ka dhowrsada (xumaha): Muxuu Rabbigiin soo dejiyey? Waxay yidhaahdaan: Khayr. Waxay leeyihiin kuwa sama ku fala adduunyadan samaan, Daarta Aakhiraana khayr badan. Wanaagsanaa Daarta kuwa iska jira (xumaha ee dhowra amarrada Alle).

16:31 31. Beeraha negaadiga (jannatu cadan) bay gelayaan ay hoostoodu webiyo qulqulaan, waxay ku mudan gudaheeda waxay doonaan. Sidaasuu Alle ku abaal mariyaa kuwa iska jira ( xumaha ee dhowra Amarradiisa).

16:32 32. Kuwa ay malaa’igtu oofsato iyagoo ku sugan xaalad wanaagsan iyagoo ku odhan: Nabad korkiinna ha ahaato: Gala Jannada waxaad (samo) fasheen darteed.

16:33 33. Ma waxay sugayaan waxaan ahayn inay malaa’igtu u timaaddo ama Amarka Rabbigaa [7] u yimaado inuu fulo? Sidaasoo kale bay faleen kuwii ka horreeyey. Alle ma dulmin, iyagaase nafahooda dulmiyay.

16:34 34. Waxaa ku dhacay xumaano waxay faleen, waxaana hareeyey (ciqaabtii) ay ku jeesjeesayeen.