Cabdullaahi Xasan Yacquub — 27
2:177 177. Ma aha samahu inaad u jeedisaan wejiyadiinna bariga iyo galbeedka; waxaase sama ah inuu qofku rumeysan yahay Alle, Maalinta Aakhiro, Malaa’igta, Kitaabka (Alle) iyo Nabiyada, ee siiya maal isagoo jecel [37] kuwa qaraabada ah, agoomaha, masaakiinta, tub ku joogga (socotada go’doonsan), kuwa wax weydiista, iyo ku xoreynta addoomaha, ee ooga salaadda, oo bixiya Sakada, oofiyana ballantooda markay ballan galaan, oo samir yeesha waqtiga faqriga, jirrada iyo dagaalka - Kuwaa weeye kuwa run sheegga ah, oo kuwaa weeye kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira xumaha).
2:178 178. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! Waxaa la idiin qoray Qisaas xagga dilalka, xorka xor, addoonkana addoon, dheddigtana dheddig. Qofkiise laga siiyo cafis xagga walaalki (lagu tacaddiyey) markaa waa u raacasho ( diyo) si gar ah, waana in qiimaha magta loogu gudo si wanaagsan. Arrinkani waa fududeyn iyo Naxariis xagga Rabbigiin ah. Ee qofkii xadgudbaa intaas kaddib, wuxuu leeyahay cadaab xanuun badan.
2:179 179. Waxaa idiinku sugan nolol xeerka dhaawac simidda dadka wax garadkow, si aad u dhowrsataan.
2:180 180. Dardaaran baa la idinku waajibiyey markay geeri ku soo dhowaato midkiin hadduu ka tagayo maal uu u dardaarmo labada waalid iyo qaraabada xigta si la yaqaan ah [38]. Waa xil saaran kuwa Alle ka cabsada (ee iska jira Ciqaabkiisa) [39].
2:181 181. Qofkiise beddela (dardaaranka) inta uu maqlay kaddib, denbigeedu markaa wuxuu saaran yahay uun kuwa beddela. Hubaal Alle waa wax kasta Maqle, wax kasta Og.