Cabdullaahi Xasan Yacquub — 269
16:15 15. Wuxuu (Alle) ku dhidbay si sugan buuro waaweyn dhulka, si uusan idiinla iilan (wuxuuna yeelay) webiyaal iyo waddooyin si aad toos ugu socotaan.
16:16 16. Iyo calaamooyin dhulka lagu garto, xiddigahayna ku helaan dhabbaha toosan (markay saxraha joogaan ama badda).
16:17 17. Ma mid (waa Alle'e) wax abuura baa la mid ah kuwo aan wax abuurin? Ma waydaan waansameyn?
16:18 18. Haddaad tirisaan Nicmooyinka Alle, ma koobi kartaan. Hubaal Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
16:19 19. Alle wuu Og yahay waxaad qarisaan iyo waxaad muujisaanba.
16:20 20. Kuwa ay baryaanna (caabudaan) Alle sokadi waxba ma abuuraan, iyagaase la abuuraa.
16:21 21. (Waa) mayti aan nooleyn, mana oga goorta la soo bixinayo.
16:22 22. Ilaahiinnu waa Ilaah Mid Keliya ah (Allaah). Kuwase aan rumeysneyn Aakhirada, quluubtoodu way diidaan (Towxiidka), wayna isla weyn yihiin.
16:23 23. Shaki ma leh, in Alle Ogsoon yahay waxay qariyaan iyo waxay muujiyaanba. Hubaal Alle ma jecla kuwa isla weyn.
16:24 24. Marka (gaalada) lagu yidhaahdo: Muxuu soo dejiyey Rabbigiin? Waxay yidhaadaan: Sheekooyinka kuwii hore.
16:25 25. Si ay u xambaaraan culeysyadooda (denbiyadooda) oo dhan Maalinta Qiyaamaha, iyo culeysyada (denbiyada) kuwa ay ku lumiyaan aqoon darro. Ogaada, wax xun waa waxay xambaaran (oo denbiyo ah).
16:26 26. Waxaa wax dhagray oo tab degay kuwii iyaga ka horreeyey, Wuxuuse Alle uga yimid dhismayaashoodii xagga aasaasyada, markaasuu saqafkii ku soo dumay korkooda, cadaabkuna wuxuu uga yimid meel aysan ka fileyn [4].