Cabdullaahi Xasan Yacquub — 267
15:91 91.Kuwaas ka dhigay Qur’aanka qaybo [24].
15:92 92. Waa igu Rabbigaaye waanu weydiin dhammaantood,
15:93 93. Waxay falayeen.
15:94 94. Ee daaha ka qaad wax lagugu amray [25], oo iskaga jeeso Mushrikiinta [26].
15:95 95. Annagaa xaqiiq kaa kaafiyeyna jees-jeesayaasha (ku jeesjeesa Diinta).
15:96 96. Kuwa u yeela ilaah kale la jirka Alle, wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
15:97 97. Waxaana dhab ahaan ognahay inay ka cidhiidhyoonto laabtaadu waxay sheegi.
15:98 98. Ee ku tasbiixso ammaanaha Rabbigaa oo ka mid ahow kuwa u sujuuda [27].
15:99 99. Caabud Rabbigaa (Alle) ilaa uu kuu yimaado kaasi la hubo (mowtka- Geerida).
16:1 1. Amarka Alle (Saacadda Qiyaame ama halaagidda gaalada) waa wax iman (oo dhow) ee waxba ha doonina in la soo dedejiyo. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo ka hufan (xumaan iyo iin), waana ka Sarreeyaa [1] waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
16:2 2. Wuxuu (Alle) la soo diraa malaa’igta Waxyi Amarkiisa ah (uu ku soo dejiyo) cidduu doono oo addoomahiisa ka mid ah (Isagoo leh): U diga (dadka) inuusan jirin ilaah (xaq lagu caabudo) aan ahayn Aniga (Allaah), ee Aniga uun iga cabsada 'oo iska jira shirkiga iyo xumaha kale."
16:3 3. (Alle) wuxuu u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq. Waa ka Sarreeyaa oo ka Kor yahay waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
16:4 4. Wuxuu ka abuuray aadmiga dhibic mino nool ah, mise, waa dood badane col cad ah [2].
16:5 5. Xoolaha wuu idiin abuuray; waxaad ka heshaan dhar dugaal leh iyo manaafacaad kale [3], xaggeedana wax ka cuntaan.
16:6 6. Waxaa idiinku sugan (xoolaha) qurux markaad u soo celinaysaan galabnimada 'guriga' iyo markaad u foofinaysaan daaqa.