Cabdullaahi Xasan Yacquub — 266
15:71 71. (Luud) wuxuu yidhi: Kuwaanu waa gabdhahaygii [17], haddaad yeeleysaan (inaad guursataan).
15:72 72. Waa igu Cimrigaaga'e (Nabi Muxammadow), waxay indho la’aan ku heehabayeen sakhraansanidoodii [18].
15:73 73. Markaas baa qeylo weyn (qarax) qabtay qorrax soo bixiiba;
15:74 74. Waxaana u gambinnay korkoodii hoos oo roob kaga dhignay dushooda dhagaxyo dab naar ah.
15:75 75. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamooyin kuwa wax ka fiirsada.
15:76 76. Waxayna ku taal 'magaaladaasi' [19] waddo weli la deggan yahay.
15:77 77. Arrinkaas waxaa xaqiiq ugu sugan calaamo mu’miniinta.
15:78 78. Dadkii degganaa hawdka [20] waxay iyaguna ahaayeen daalimiin (gar diid).
15:79 79. Markaasaan ka aargudannay. Waxayna labaduba [21] ku yaallaan waddo cad (oo weli) la maro.
15:80 80. Dadkii degganaana dhadhaabka [22] 'ee reer Thamuud' waxay beeniyeen Rususha.
15:81 81. Waxaanuna siinnay Aayadahayagii, waxayse ahaayeen kuwa ka jeesada.
15:82 82. Waxay ahaayeen kuwo ka qota buuraha guryo iyago aamin ah.
15:83 83. Markaasaa waxaa qabtay qeylo (qarax) weyn waaberkiiba.
15:84 84. Waxbana uma tarin waxay kasbadeen (oo maal ah iyo dhismooyin dhaadheer).
15:85 85. Uma aanu abuurin samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya waxaan Xaq ahayn. Hubaal Saacadda (Qiyaame) way imanaysaa, ee isaga jeeso adigoo saamaxaya gefefkooda saamixid qurxoon.
15:86 86. Hubaal Rabbigaa waa Abuuraha wax kasta ee jira, wax waliba Ogsoonaha ah.
15:87 87. Waxaan dhab ahaan ku siinnay toddobo soo noqnoqota (Faatixada) iyo Qur’aanka Weyn.
15:88 88. Ha u taagin indhahaaga waxaanu ugu raaxeynay qaybo ka mid ah (gaalada), hana u murugoon una raarici (nuglee) garabkaaga mu’miniinta (u muuji naxariis).
15:89 89. Dheh: Anigu waxaan ahay dige cad.
15:90 90. Sidaan ugu soo dejinnayba kala qaybiyaashii 'Yuhuudda iyo Nasaarada' [23].