>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 262

15:1 1. Alif Laam Raa [1]. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka, oo Qur'aan ah ay cad yihiin (Aayadahiisu).

15:2 2. Wax badan bay kuwa gaalooba jecleysan doonaan (Aakhirada) inay ahaayeen Muslimiin [2].

15:3 3. Iska daa wax ha iska cunaane hana iska raaxaystaan iyo (in) rajo maawiliso, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).

15:4 4. Ma jirto magaalo aan halaagnay oo aan lahayn waqti la yaqaan oo qoran.

15:5 5. Kama hor mari karto ummadi muddadeeda, kamana dib marto.

15:6 6. Waxay (ku) yidhaahdeen (Nabiga): Kan Waanada (Qur’aanka) lagu soo dejiyeyow [3]! Adigu waxaad tahay jinnoole.

15:7 7. Maxaad noogu keeni weyday malaa’ig haddaad run sheegeyso?

15:8 8. Uma soo dirno malaa’igta waxaan xaq [4] aheyn, lamana sugo oo siiyo (gaalada) fursad markaas (ay ku tawbad keenaan) .

15:9 9. Xaqiiq, Annagaa soo dejinnay Waanada (Qur’aanka) Annagaana xaqiiq ilaalin [5].

15:10 10. Waxaana dhab ahaan soo dirnay Rusul hortaa ummadahii hore dhexdood.

15:11 11. Ma jirin Rasuul u yimaada oo aysan ku jees-jeesin.

15:12 12. Sidaasaan u gelinnaa (diiddada Xaqa) quluubta denbiilayaasha.

15:13 13. Ma rumeeyaan waxa ku soo arooray (Qur’aanka), dhab ahaanna waxaa hore maray tusaalihii kuwii hore ee tegay [6].

15:14 14. Haddaan uga furno albaab samada oo ay ahaadaan kuwo kor u kora;

15:15 15. Waxay (gaaladu) odhan lahaayeen: Waxaa uun la awday Indhahayaga. Mayee, waxaanu nahay qolo la sixray.