>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 259

14:25 25. Ku soo bixisa midhaheeda goor walba Idanka Rabbigeed, Alle wuxuu u yeelaa tusaalooyin dadka si ay u waantoobaan.

14:26 26. Tusaalaha Kelmedda xunna [9] waa sida geed xun laga rujiyey dhulka korkiisa oo aan laheyn sugnaan.

14:27 27. Alle Wuxuu waafajiyaa oo ku sugaa kuwa rumeeyey kelmedda sugan [10] nolosha adduunkan iyo aakhirada [11]. Alle wuu lumiyaa daalimiinta. Alle wuxuu falaa wuxuu doono.

14:28 28. Miyaanad ogaan kuwa ku beddelay Nicmadda Alle (Islaamka) abaal dhac 'gaalnimo' [12], oo ka yeelay dadkoodii inay degaan daarta halaagga.

14:29 29. Jahannama bay gali (oo ku guban). Oo u xun meel lagu sal yeesho.

14:30 30. Waxay u yeelaan Alle shariigyo si ay uga lumiyaan (dadka) Jidkiisa. Dheh: iska Raaxaysta! Aayihiinnu waa xagga Naarta.

14:31 31. Ku dheh addoommahayga (Xaqa) rumeeyey ha oogeen salaadda, hana bixiyeen wax ka mid ah waxaan ku irsaaqnay sir iyo caddaanba ka hor inta aysan imaan Maalin aysan jirin ganacsi iyo saaxiibtinnimo midna.

14:32 32. Alle waa Kan abuuray samooyinka iyo arlada kana soo dejiya biyo (roob) daruuraha, oo ku soo bixiya midho risiq idiin ah, Wuxuuna idiin sakhiray doonyaha inay ku maaxaan badda Amarkiisa, idiinna sakhiray webiyada.

14:33 33. Wuxuuna idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, labaduba joogto ugu socdaan rugahooda; idiinna sakhiray habeenka iyo maalinta.