Cabdullaahi Xasan Yacquub — 258
14:19 19. Miyaadan arkayn inuu Alle u abuuray samooyinka iyo arlada Xaq? Hadduu doono wuu idin tegsiin oo la iman uun cusub.
14:20 20. Waxnana kuma adka Alle.
14:21 21. Waxayna iyagoo dhammi iman Alle horti, markaasay kuwii ducafada (raciyadda) ahaa ku odhan kuwii isla weynaa (madaxda): Waxaanu ahayn raciyadiinna; ee wax ma nooga tareysaan Cadaabka Alle? Waxay odhan: Hadduu Alle na hanuunin lahaa, waan idin hanuunin lahayn. Waa isugu keen mid haddaan calaacalno (haatan) ama aan samirno, nooma sugnaan meel loo cararo.
14:22 22. Shaydaanna wuxuu odhan marka Arrinka la xukumo: Alle wuxuu idiin ballan qaaday ballan Xaq ah, aniguna idiin ballan qaaday ballamo (been ah), waana idiinka baxay. Kuma laheyn awood dushiinna, waan idiin baaqay uun oo aad i yeesheen. Marka ha i eedaynina ee eedeeya nafahiinna [7]. Anigu idiinma gargaari karo (haatan), idinkuna iima gargaari kartaan. Anigu diiday ila wadaajintiinna horey cibaadada Alle. Hubaal, Daalimiintu waxay leeyihiin Cadaab Xanuun Badan.
14:23 23. Waxaa la gelin kuwa(Xaqa) rumeeyey oo samaha fala Beero (Jannooyin) hostooda ay webiyo qulqulaan iyagoo dhexdeeda ku waaraya Idanka Rabbigood, soo dhoweyntoodu dhexdeeda waa Salaan.
14:24 24. Miyaanad ogaan sida Alle uga yeelay tusaale Kelmedda Wanaagsani [8] inay la mid tahay geed wanaagsan asalkiisu dhidban yahay, laamaheeduna cirka (kor) jiraan.