Cabdullaahi Xasan Yacquub — 256
14:6 6. Markuu Muuse ku yidhi qolodiisii: Xusuusta Nicmadda Alle idin siiyey, markuu idinka badbaadshay reer Fircoon iyagoo idin dhadhansiinayey Cadaab Daran, gawracayey wiilashiinna, oo deysanayey haweenkiinna (si ay ugu adeegaan), (arrin)kaasina waxaa ku sugnaa imtixaan xagga Rabbigiin ah oo weyn.
14:7 7. Iyo markuu Rabbigiin idin ogeysiiyey: Haddaad mahad naqdaan, waan idiin kordhinayaa (nicmadda), haddaadse gaalowdaan, hubaal Cadaabkaygu waa mid Daran.
14:8 8. Wuxuuna Muuse yidhi: Haddaad gaalowdaan idinka iyo waxa ku sugan arlada oo dhan, hubaal Alle waa Hodan Deeqtoon, Ammaanan.
14:9 9. Miyaanay idin soo gaadhin warka kuwii idinka horreeyay qolodii Nuux, Caad, Thamuud iyo kuwii ka dambeeyey, ma oga (tiradooda) waxaan ahayn Alle. Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad, Waxayse ku celiyeen gacmahooda afafkooda [5] oo yidhaahdeen: Ma aaminsanin waxa la idinla soo diray, waxaanuna ka qabnaa waxaad noogu yeedhaysaan shaki daran oo walaac leh.
14:10 10. Rusushoodii waxay yidhaahdeen: Ma waxaa jira shaki ku saabsan Alle, Askumaha samooyinka iyo aralda? Wuxuu idiinku yeedhi inuu idinka dhaafo denbiyadiinna, dibna idiinku dhigo ilaa muddo magacaaban. Waxay yidhaahdeen: Ma ahidin waxaan aheyn dad nala mid ah! Waxaad rabtaan inaad naga duwdaan waxay caabudi jireen aabbayaashayo, Ee noo keena xujo cad.