Cabdullaahi Xasan Yacquub — 252
13:19 19. Ma mid og in waxa lagaaga soo dejiyey xagga Rabbigaa uu yahay Xaq baa la mid ah mid ka indha la'? Waase oo keliya dadka wax garadka ah kuwa waansami.
13:20 20. Ee ah kuwa oofiya axdiga Alle, oo aan ka bixin ballanka.
13:21 21. Kuwa xidhiidhiya waxa uu Alle amray in la xidhiidhiyo [13], oo ka baqa Rabbigood, kana cabsada Xisaab Daran.
13:22 22. Ee ah kuwa samra (waqtiga shiddada ee ku sugnaada cibaadada) iyagoo doonaya Wajiga Rabbigood, oogana salaadda, oo bixiya wax ka mid ah waxaan ku irzaaqnay qarsoodi iyo caddaanba, kuna qaabila xumaanta samaan, kuwaasi waxay leeyihiin cidhib wanaagsan Daarta Dambe (Aakhirada).
13:23 23. Jannooyinka cadni (negaadi) oo ay galayaan iyaga iyo kuwa wanaagsan ee ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda: waxayna Malaa’igtu uga soo geli albaab walba (iyagoo leh):
13:24 24. Nabad korkiinna ha ahaato samirka aad yeelateen iyo sugnaashadiinna darteed. Wanaagsanaa Daartaa dambe (ee Jannada).
13:25 25. Kuwase jebiya axdiga Alle kaddib adkayntiisa, oo gooya wuxuu Alle amray in la xidhiidhiyo (oo wanaajiyo, sida qaraabada iyo deriska), oo fasaadiyana dhulka, kuwaas, waxaa u sugnaaday Nacalad, waxayna leeyihiin daarta xun (Naar).
13:26 26. Alle wuxuu u fidiyaa risiqa qofkuu doono oo ku cidhiidhiyaa (qofkuu doono), waxayna ku farxaan nolosha adduunkan, mana aha nolosha adduunka marka loo eego Aakhirada waxaan ahayn raaxo muddo yar ah oo dhammaaneysa.
13:27 27. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa calaamo (mucjiso) looga soo dejin waayey xagga Rabbigii? (Nabiyow) Dheh: Alle wuxuu dhumiyaa kuu doono oo u soo hanuuniyaa Xaggiisa kuwa u soo laabta (tawbad keena).
13:28 28. Ee ah kuwa (Towxiidka) rumeysan oo ay quluubtoodu ku xasisho xusidda Alle. Ogaada xusidda Alle bay ku xasishaa quluubtu.