Cabdullaahi Xasan Yacquub — 250
13:6 6. Waxay (Nabiyow) ku weydiisan inaad u soo dedejiso xumaan 'Cadaab' [5] halkii wanaagga, waxaana tagay tusaalooyin (ciqaabeed) hortood. Rabbigaa waa u denbi dhaaf badan yahay dadka dulmigooda. Rabbigaana ciqaabkiisu aad buu u Daran yahay.
13:7 7. Kuwa gaalooba waxay yidhaahdaan: Maxaa looga soo dejin waayey calaamo xagga Rabbigi ah? Adigu waxaad tahay oo keliya dige, qolo walbaana waxay leeyihiin hanuuniye.
13:8 8. Alle wuu Og yahay waxay dheddig walbaa uurka ku siddo [6], iyo waxa ilmo galeennadu nusqaamiyaan iyo waxay kororsadaanba [7]. Wax walbaana Alle Agtiisa qaddar (waqti) go’an yuu leeyahay.
13:9 9. Waa Ogsoonaha waxa aan muuqan iyo waxa muuqda, waa Weynaha, aad u Sarreeya.
13:10 10. Waa isugu mid (Alle) kiinna idinka mid ah ee hadalkiisa qarsada iyo kan kor ugu dhawaaqa, iyo kan isku qariya habeenka iyo (kan) socda dharaar cad.
13:11 11. Wuxuu leeyahay (qof kasta) kuwo is beddela 'malaa’ig' [8], oo hortiisa iyo gadaashiisa ah, kuwaasoo ku ilaaaliya Amarka Alle [9]. Alle ma beddelo xaaladda qolo, jeeray iyagu naf ahaantoodu beddelaan xaaladdooda. Markuu Alle la doonona qolo xumaan, cidna ma baajin karto, mana leh Isaga sokadiis wax u soo gargaari kara.
13:12 12. Alle Waa Kan idin tusa hillaaca cabsi iyo rajo gelin darteed, iyo (Kan) unka daruuro hogol ah oo biyo la culus.
13:13 13. Wuxuu ku tasbiixsadaa onkodku Xamdiga Alle, malaa’igtuna ka Heybeysigi darteed, Wuxuu soo diraa danabyada oo ku ridaa cidduu doono [10], iyaguna waxay ka doodaan arrinka Alle Isagoo Awood Badan oo Ciqaabkiisu Daran Yahay.