Cabdullaahi Xasan Yacquub — 25
2:164 164. Dhab ahaan abuurista samooyinka iyo arlada iyo is dhaafka habeenka iyo maalinta iyo doonyaha kula dhex maaxa badda wax anfaca dadka, iyo wuxuu Alle ka soo shubo daruuraha oo biyo (roob) ah ee uu ku nooleeyo arlada dhimashadeeda kaddib, oo uu ku fidsho gudaheeda (nooc) kasta ee nafleyda ah, iyo isbeddelka dabeylaha iyo daruuraha la sakhiray samooyinka iyo arlada dhexdooda, waxaa ugu sugan calaamooyin ciddii garasho leh.
2:165 165. Waxaa ka mid ah dadka kuwo yeesha Alle sokadi wax ay la mid dhigaan oo u shariig yeelaan ayna u jecel yihiin siday u jecel yihiin Alle. Kuwase (Xaqa) rumeysan ayaa ka daran oo xooggan jaceylka ay u hayaan Alle. Hadday arki lahaayeenna kuwaa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale), markay arkaan cadaabka, in Xoog oo dhan uu leeyahay Alle, iyo in Alle uu Daran yahay Cadaabkiisu.
2:166 166. Marka kuwii la raacay (ee madaxda ahaa) iska barii yeelaan kuwii raacay, oo ay arkaan cadaabka, oo uu kala go'o xidhiidhkoodii.
2:167 167. Kuwii raacayna waxay odhan: Haddii uun aan lahaan laheyn dib u laabasho (adduunka), markaa waxaan uga barii noqon lahayn siday nooga barii noqdeen. Sidaasuu Alle u tusi acmaashooda oo qoomammo daran ku ah. Ma ahana kuwo laga soo bixin Naarta.
2:168 168. Dadow! Ka cuna xalaasha wanaagsan waxa laga helo dhulka [34], hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
2:169 169. Wuxuu (Shaydaan) uun idinku amraa macsi iyo xumaan [35], iyo inaad ka sheegtaan Alle wax aydaan u lahayn aqoon.