>

Cabdullaahi Xasan Yacquub — 245

12:79 79. Wuxuu yidhi: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (gar ma qaatayaal).

12:80 80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga [26], Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.

12:81 81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan [27].

12:82 82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.

12:83 83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir qurxoon (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.

12:84 84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed [28] isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.

12:85 85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad dhimato.

12:86 86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle [29] wax aydaan ogayn.